Somaliland: Wakhtiga ay xidhmi doonto Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda oo la shaaciyay

Hargeysa (Aftahannews)- Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, ayaa maanta ayaa maanta shaaciyay xilliga kama dambaynta ah ee ay xidhmi doonto diiwaan gelinta Ururradu.

Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay in mudadii Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo ahayd 45 maalmood ay ku eegtahay maalinta Arbacada oo ee ay taariikhdu tahay 10 August 2022.

Waxaa kale oo ay guddigu sheegeen in diwaangelinta ururada Siyaasada si rasmi ah loo xidhi doono saacadu markay tahay 5 Galabnimo ee isla maalintaas.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka guddiga

No photo description available.