Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay arrin la sheegay inay Masar kala hadashay

Muqdisho (Aftahannews)- Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, ayaa sheegay in aanu jirin wadahadal gaar ah oo dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ka yeesheen arrimaha la xidhiidha  Biyaha Nile.

Afhayeenka madaxtooyada waxa uu sheegay, in labada madaxweyne ayna ku soo hadal qaadin mowqif u gaar ah oo ku saabsan webiga Nile, intii ay ku guda jireen shirkoodii jaraaid ee Qaahira.

Sida uu afhayeenku sheegay, dowladda Soomaaliya waxay ay mar weliba dhiirrigelinaysaa in la raaco shuruucda caalamiga ah in si nabad ahna looga faa’idaysto mashaariicda biyaha Nile.

“Shirka jaraaid ay qabteen labada madaxweyne & wadahadalkooda ma jirin qodob si gaar ah ugu saabsan arrintan. Laakiin Webiga Nile waxa uu maraa dalal badan, mowqifka Dowladda Soomaaliya wuu cad yahay, waana in si nabad ah looga faa’idaysto iyada oo la raacayo xeerarka & heshiisyada Caalamiga ah” ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar.

Warbaahinta dalka Masar, ayaa shalay faafisay war ka soo baxay madaxtooyada dalkaas, kaas oo sheegayay in labada dowladdood ay qaateen mowqif ah inay ka soo horjeedaan siyaasada halka dhinac ah ee ay Ethiopia ka wado biyaha Nile.