Somaliland: Xildhibaanno gacan-ka-hadal dhexmaray, Ciidan galay Baarlamaanka iyo Sababta Khilaafka

Hargeysa (Aftahannews)- Khilaaf gacan ka hadal isku badalay, ayaa ka dhex qarxay xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib markii laysku qabtay sharcinnimada xeerka furista Ururrada Siyaasadda.

Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay laabatay in la laalay mooshin ay shalay soo jeediyeen xildhibaannada muxaafadka, kaas oo ay ku dalbanayeen in aan wax dood ah la gelin xeerka furista Ururrada Siyaasadda ee Madaxweynuhu ku soo celiyay golaha, isla markaana sidaa lagu meelmariyo.