Somaliland oo Xayiraadii ka qaaday Diyaarada Air Arabia

Air Arabia
Air Arabia

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xayiraadii ka qaaday diyaarada Air Arabia oo ay hore xayiraad u saartay.

Air Arabia
Air Arabia

Air Arabia oo xukuumada Somaliland xayiraad saartay sanadkii 2020, ayaa xayiraadi laga qaaday.

Diyaaradan, ayaa lagu waramayaa in xayiraadii laga qaaday kadib markii ay buuxisay shuruudo ay xukuumadu hordhigtay.

Air Arabia oo muddo sanad iyo dheeraad ah ka maqnayd madaarka Cigaal ee Hargaysa, ayaa la rajaynayaa in ay dib u bilowdo duulimaadyadeedi Hargaysa.

Xukuumada Somaliland, ayaa sidookale maalmo kahor xayiraadi ka qaaday diyaarada Fly Dubai, oo Air Arabia isku wakhti xayiraada lawada saaray.