Muqdisho (Aftahannews)- Faah-faahino dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya qaraxii aadka u xooganaa ee Caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaana Saldhiga degmada Waaberi.
Ilo dhinaca amniga ah, ayaa waxaa ay sheegeen inay weerarkan ku dhinteen Lix Qof oo laba ka mid ah ay yihiin ciidamada Booliiska, labana saraakiisha ciidanka.
Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in weerarka qaraxan ay ku dhinteen Taliyihii Booliiska ee degmada Waaberi Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qaybta Booliiska ee Weliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamuud.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay qof watay Jaakad laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, ayaa gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxa.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.