Taliyihii hore ee NISA oo sheegay in uu ka badbaaday isku day dil

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews) – Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil, kaddib markii xalay ciidamada dowladdu weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday oo marayay aaga Marinaaya ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada weerarray ahaayeen kuwo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, laakiin loogu magacdarray Duufaan oo dhawaan la dajiyay goobtaasi.

Taliyihii hore ee NISSA

Taliyihii hore ee NISSA

Weerarka ayuu sheegay in uu ahaa mid ku dhacay si ku talagal ah madaama ay ogaayeen ciidamada ku sugnaa Bartakootarool ee lagu rasaaseeyay in uu ahaa taliyihii hay’adda Nabad-sugida.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca hay’addaha Amniga oo la xidhiidha eedeynta Cabdiraxmaan Tuuryare ee ah in ay weerarreen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login