Xukuumadda oo Itoobiya kala hadashay sidii Kalluunka Somaliland loogu iib-geyn lahaa Suuqyada dalkaasi

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida kala hadashay sidii ay Suuqa Itoobiya loo geyn lahaa Kalluunka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi oo dhawaan Magaalada Jigjiga kaga qayb-gashay Carwo Ganacsi oo halkaa lagu qabtay, ayaa sheegtay inay in intii ay halkaa ku sugnaayeen iyada iyo Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland ay la kulmeen Wasiirrada Ganacsiga, Beeraha, Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya iyo Wasiirro ka mid ah Kililka Soomaalida, isla-markaana kala hadleen sidii Somaliland ay kalluunkeeda ugu iib-geyn lahayd Itoobiya.

Wasiir ku-xigeenka oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Waxaanu la kulanay oo fursad noo ahayd Wasiirradii ka socday Dawladda Federaalka, sida Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Beeraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka, Wasiirrada kililkana waxaanu la kulanay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirro kale iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda deegaanka Soomaalida.”

Wasiir ku-xigeenka oo u warrantay Telefiishanka Bulsho ayaa waxa kale oo ay sheegtay “Waxaanu Wasiirrada Itoobiya kala hadalnay inaanu Kalluunka Somaliland suuq uga helno Itoobiya, waxayna Wasiirradu nagu yidhaahdeen wax kasta waanu fududayn doonaa..”ayay tidhi.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.