Shirkadda Facbook oo Maxkamad la tiigsanaysa Midowga Yurub iyo Sababta

Hargeysa (Aftahannews)- Shirkadda Facebook, ayaa falcelin ka sameysay baadhitaan uu Midowga Yurub ku hayo sida ay u shaqeyso, waxaanay go’aansatay inay Maxkamad la tiigsato Ururkaas.

Mas’uuliyiinta Facebook, ayaa dacwaddooda Maxkamadda ku saleeyay walaac ay ka qabaan in loo dhaco xogtooda gaarka ah. Labo baadhitaan oo kala duwan ayaa lagu sameeyay Facebook si loo ogaado inay ku xad-gudubtay shuruucda u yaalla tartanka ganacsiga.

Si xog buuxda loo helo, golaha Midowga Yurub, ayaa dalbaday macluumaadka hoose ee Facebook, oo ay ku jiraan 2,500 oo erayo gaar ah. Hase-yeeshee, Madaxda Facebook ayaa dhankooda sheegeya in arrintaasi ay ka dhigan tahay faro-gelin lagu doonayo bixinta xog aad xasaasi u ah oo aan la xidhiidhin arrimaha la baadhayo.

Hase yeeshee Golaha reer Yurub ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan kiiska maxkamadeed ee lagu soo oogay, baadhitaanka ay ku hayaan Facebook-na uu wali sii socon doono.

Shirkaddan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee bixiya adeegyada baraha bulshada ayaa dacwadda geysay maxkamadaha Yurub, waxayna ku doodeysaa in laga qaato xogta u qarsoon.