Maxkamada gobolka Maroodi-jeex oo la horgeeyey Guddoomiyaha Astaan Cable TV

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Astaan Cable Cabdimanaan Yuusuf, ayaa saaka la horkeenay maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa.

Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa markii ay dhagaystay dacwada loo haysto guddoomiyaha Astaan amartay in dib loogu celiyo xabsiga. Waxaanay maxkamadu u jartay 7 maalmood oo rummaan ah oo xabsi ku hayn ah. 

Waxaana dib loogu celiyay xarunta danbi baadhista ee CID-da Hargeysa oo shalay loo soo wareejiyay.

Guddoomiyaha Astaan oo kiiskiisa ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada Sirdoonka Somaliland ayaa waxaa hada la wareegay ciidamada booliska, iyadoona ay baadhis ku socoto oo marka ay baadhistu dhammaato la soo taagi doono maxkamadda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.