Hargeysa(Aftahannews)-Dayabayaaqadii sannadkii hore ee 2020-kii ayey ahayd markii uu Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu isaga oo qiiraysan, isla markaana dareen muujinaya dabmaqasho uu jidhku dubaaxinayo ka hadlay khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha aqalka Sarre ee Somaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi.
Madaxweyne Biixi oo arrintaas ka hadlaaya, ayaa sheegay sidan:-“Maanta Xamar waxa ka socota waxaad moodaa sawirrkii ay Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte iyo Siilaanyo ay la hayeen waar ka daa, maanta ninka Guurtida Guddoomiyaha ka ah ee la yidhaah-do Cabdi Xaashi iyo dowlada Xamar ka dhisan waa sawirka sawrikisii ayaa maantana Xamar ka taagan,waxa’se nacasnimo ah kuwa u tegay ee leh Xamar ha nalagu doorto.”Ayuu yidhi
Haddalka Madaxweyne Biixi ayaa siyaasiyiinta iyo shacabka reer Somaliland ku noqday af kale qaaday,waxaanay la yaabbeen haddalka Madaxweyne Biixi ka soo yeedhay iyo sababta ku keliftay in uu nimanka Xamar u xoogsi tegay uu u damqado,isla markaana uu la damqado lana safto Siyaasiga ay isku jufadda yihiin ee Cabdi Xaashi
Sidoo kalene Madaxweyne Biixi ayaa markii uu arrinkaas ka hadlayey oo ahayd aaskii Cumar Carte Qaalib waxa wejigiisa laga dheehanayey dareen ama shucuur gaar ah,waxaanu tusaale u soo qaatay dhacdooyin wakhtigii Dawladii Somaaliya ay la kulmeen Cumar Carte, Siilaanyo ,Ismaciil Cali Abokor,kuwaas oo ahaa qaar uu ku dherarinayey khilaafka Farmaajo iyo Cabdi Xaashi
Geesta kalena Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI ayaa arrintaas ka hadlay”Maanta xaqiiqada aanu haynaa waxa weeye cidda Xamar la hadasha waan ognahay ,cidda u kala abtirisa waan ognahay ,raga halkaas isku haysta cidda qaarna amaanta qaar-na cayda waan ognahay.”Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi.
Gunnaanadkii Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa si badheedh ah ula kale saftay Siyaasiyiinta Xamar u tegay xoogsiga ee reer Somaliland,waxaana muuqata inuu is garab taagan wakhtigaas siyaasiga ay isku beesha yihiin ee Cabdi Xaashi. Xigasho Wargeyska Waaberi