Dad Ka Sheekeeyey God Lagu Macneeyey Godka Naarta Oo Laga Helay Dalka Yemen

Sanca (Aftahannews)-Meel ka durugsan dhulka lama -dagaanka ah ee bariga fog ee Yemen, waxaa ku yaalla god la rumeysan yahay inuu yahay mid meesha ku yaalay malaayiin sano.

Kuwa ku nool aagga u dhow godka, oo loogu magac daray Ceelkii Barhout, waxay rumeysan yihiin wax kasta oo u soo dhowaada “Godka Naarta” in la nuugo iyada oo aannu qofna ka baxsan. Godka wuxuu aad ugu caanbaxay mala -awaalka dadweynaha ay ka sameeyeen, sida in uu Jinni daggan yahay godkaasi.

Ceelka Barhout wuxuu ku yaallaa lamadegaanka Yemen, oo u dhow soohdinta uu la leeyahay Cumaan. Wuxuu ku yaallaa gobolka Al-Mahra wuxuuna ballaciisu yahay 100 fiit waxaana loo malaynayaa inuu hoos u qodan yahay 330 fiit, laakiin waxaa jira kuwa ku doodaya inuu ka dheer yahay 820 fiit. Mana jira Qof weligiis gaaray gunta hoose ee ‘ceelka cadaabta’.

Shaqaale ka socda wakaaladda warraka ee AFP ayaa dhowaan dul maray godka iyagoo isticmaalaya kaamirada drones -ka waxayna qabteen muuqaal cajiib ah oo dadka ka dahsoonaa.

Si kastaba ha noqotee, xitaa iyadoo diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay si toos ah ugu dul heehaabeysay ceelka haddaana waxaa adakayd in si toos ah loo arko gunta hoose ee godka.

Dadka ceelka u dhaw waxay inta badan ka hadlaan in ceelka uu aad u uro. Ammar Hashem Mohammed Osman, oo ka soo shaqeeyay xero ciidan oo u dhow ceelka, ayaa qoray, “Urto waxay ahayd mid aan loo dulqaadan karin.

Wax badan lagama arki karo ceelka darafkiisa maadaama iftiinka qorraxdu uusan aad u gaareyn gudaha, sida laga soo xigtay AFP, sawir qaadayaasha ayaa sheegaya inay adag tahay in laga qaado gudaha. Sidaas oo ay tahayna, inkasta oo uu aad uarayo, haddana noocyada kala duwan ee shimbiraha ayaa inta badan la arkaa iyagoo ku duulaya kana baxaya ceelka aadka u mugdiga badan.

Cimilada qaybtan Yemen caadi ahaan waa mid aad u kulul oo qallalan inta lagu jiro xagaaga, in kasta oo ay dhici karto in onkodyo ka dhacaan buuraha u dhow. Guud ahaan, gobolku ma helo roob badan oo heerkiisu sarreeyo.

Sheekooyinka jinka ee ay isla dhexmarayaan dadka deegaanka ayaa aad u badan iyadoo la sheegay in qarniyo badan ay ceelkan degan yihiin jinka. Dad badan oo ka agdhow xitaa ma jecla inay ka hadlaan arrimaha godka, iskaba daa inay soo booqdaan, iyagoo ka baqaya jinka la sheegay inuu meesha degan yahay.

Dalkaas ayaa tan iyo sannadkii 2014 -kii waxaa ka socday dagaallo sokeeye oo u dhexeeya dowladda iyo fallaagada Xuutiyiinta.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Yemen ay la ildaran tahay dhibaatada bani’aadamnimo ee ugu xun adduunka, iyadoo tobanaan kun la dilay, malaayiin ay barakaceen, iyadoo saddex-meelood laba meel ay ku tiirsan yihiin gargaarka. bin’aadanimo.