Ciidamadda Booliiska Somaliland oo Baadigoobaaya mid kamid ah Libaaxyadii Warancade oo Baxsaday

Hargeysa (Aftahannews)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in caawa uu baxsaday mid kamid ah Libaaxyadda Cali Maxamed Warancade uu ku haystay magaaladda Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Libaaxa baxsaday uu dhaawacay laba qof,isla markaana ay  ciidanka Boolisku ay wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxaas baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dadweynaha usoo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxaas ay kusoo wargeliyaan Ciidamada Booliska.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.