Mareykanka oo Baaq u diray Madaxweyne Farmaajo, Barlamaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka

Washington (Aftahannews) – Dowladda Mareykanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay si deg deg ah wax uga qabtaan baabi’inta hindise sharciyeedka jihaynta doorashooyinka ee la meel mariyay 12 bishan Abril.

Mareykanka ayaa si gaar ah u xasuusiyay madaxweyne Farmaajo inuu fuliyo ballanqaadkiisii 28-kii Abriil ee ku saabsanaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17 isla markaana uu si dhakhso leh dib ugu bilaabo wada hadalkii uu la lahaa hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

“Waxaan ku bogaadineynaa Raiisal wasaare Rooble iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay iyo in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17,” ayaa lagu yidhi qoraalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay in ay dhinac iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala duwanaanshahooda danta ummadda Soomaaliya ayna si daacad ah ugu gorgortamaan shuruud la’aan iyo tanaasul.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo dhammaan kooxaha hubeysan in ay istaagaan oo ay ogolaadaan in wadahadalka siyaasadeed uu dib ugu bilowdo jawi ka caagan rabshadaha iyo cagajugleynta.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.