Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Qalab Caafimaad ku wareejisay Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa wasaarada caafimaadka Somaliland ku wareejisay qalab shaybaadh oo ka kooban 8500 oo ah qalabka lagu baadho Covid-19 (Covid test) iyo 5 labtob.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Bade, ayaa hay’ada uga mahad celiyay qalabkan caafimaad wuxuuna sheegay in WHO ay Somaliland garab taagnayd tan iyo markii uu caabuqa Covid-19 dilaacay.

“Intii xanuunku yimiday waxanu uga mahad celinaynaa, ama ha noqoto talo ama noqoto agab iyo farsamo marwalba hay’adu waxay nala garab taagnayd intii suuro gal ah” ayuu yidhi wasiirku.

Hay’ada caafimadka adduunka ee WHO, ayaa deeqo kala duwan oo caafimaad Somaliland soo gaadhsiisay tan iyo markii uu Covid-19 ka dilaacay gudaha Somaliland.

Halkee ayay maraysa waxyeelada caafimaad ee Covid-19 gudaha Somaliland?

Sida ay baahisay wasaarada caafimaad ku tan iyo markii uu caabuqa Covid-19 soo gaadhay Somaliland, waxa laga baadhay 44357 qof, waxa ka boqsaday 2724 halka 242 qofna ay u dhinteen caabuqa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.