Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Xubnaha Beesha Caalamku?

Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Muqdisho (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalda Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uu kulan dhexmaray madaxweynaha dowladda federaaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa la sheegay in ay Madaxweyne Farmaajo u sheegeen in uu beddelo mowqifka ku saabsan muddo korodhsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo wadar-oggol.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in aanu markiiba siinin jawaab balse lagu soo kala tagay is faham in la isku soo laabto.

Kulanka waxa ka qaybgalay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga, Safiirrada UK iyo Maraykanka Kate Foster iyo Donald Yamamoto oo matalayay beesha caalamka.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inay si cad ugu sheegeen madaxweynaha Soomaaliya cawaaqibka ka iman kara go’aanka muddo korodhsiga, sida ay ilaha xog ogaalka u sheegeen VOA.

Xubnaha beesha caalamka ayaa u sheegay madaxweyne Farmaajo inuu is beddeli doono iskaashiga beesha caalamka iyo dowladda oo ay arrintan saamayn doonto.

Waxay ugu baaqeen in wada xaajoodka arrimaha doorashada dib loo bilaabo.

 

VOA