UNHCR oo Kenya u Gudbisay Halbeegyo Xal noqon kara

Nairobi (Aftahannews)- Hay’adda Qaxootiga Adduuka Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa dowladda Kenya u gudbisay tilaabooyin ay ku doonayso sidii xal waara looga gaadhi lahaa arrimaha Xuquuqda qaxootiga kuwaa soo ay UNHCR ay ku doonayso in lagu ogaado xal u helidda Qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ee Kenya.

Hadalka UNHCR ayaa imanaya xilli uu dhowaan dhamaaday 14 casho oo ay Kenya u qabatay UNHCR inay dalkooda dib ugu celiso qaxootiga ku nool xeryahaasi.