Dowladda Soomaaliya oo diiwaangelisay kiisas hor leh oo ku saabsan cudurka Covid-19

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews) — Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 304 qof oo hor leh oo laga helay cudurka Coronavirus halka iyo 8 qof oo kale ay u dhinteen cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baadhay 1,830 qof.

Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, islamarkaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login