Duqeyn lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews) – Wararka ka imanaya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyeegloow ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen lagu burburiyay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen Al-shabaab.

Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM  ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku burburiyeen xarun muhiim ah oo ku lahaayeen gobolka Bakool, laakiin ma ayna sheegin xaruntaasi ahayd mid militari iyo in kale.

Dadka deegaanka ayaase warbaahinta u sheegay in goobta la duqeeyay aheyd xarun Idaacadeed oo ay Al-shabaab halkaa ku lahaayeen.

Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM

Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM

Taliska Mareykanku wuxuu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen gobolka Bakool gaar ahaan degmada Tiyeeglow ayna jirin cid wax ku noqotay oo rayid ah.

Dhawaan ayay ahayd duqeyn cirka ah oo ay Mareykanku ka fuliyeen deegaanka Buula Fuulaay  ku beegsadeen xarun Idaacada Andalus ku laheyd deegaankaas.

Maalmihii ugu danbeeyayba Mareykanka ayaa joogteeyay duqeymaha cirka ah oo ay ku beegsanayaan xarumaha kala duwan ee xoogagga Ururka Al-shabaab ku leeyihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login