Muqdisho (Aftahannews) – Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo u sugan gobolka ayaa sheegay in dagaalyahannada Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig militariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Sabid oo ka tirsan degmada Afgooye.
Ururka Al-shabaab
Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka lamana sheegin khasaare dhinaca Al-shabaab soo gaadhay.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya wax war ah kama ay soo saarin weerarkan oo dhacay maanta oo Arbaco ah.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya.
You must be logged in to post a comment Login