Somaliland: Shacabka oo Saacado Ka Dib Safaf u geli doona Doorashada Madaxtooyada iyo Xulashadooda Madaxweynihii 3-aad – Warbixin

DADWEYNAHA SOMALILAND EE KAADHADHKII CODAYNTA SAFAF UGU JIRA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- 13-ka November 2017-ka oo Isniinta Berri ku beegan, waa Maalin ay Dadka Reer Somaliland Safaf dhaadheer geli doonaan markii saddexaad ee ay u dareeraan doorasho Madaxtooyo oo lagu dooranayo Madaxweynaha shanta sano ee soo socda hoggaamin doona Somaliland oo noqon doona Madaxweynihii saddexaad ee doorashada Codka Shacabka ku yimaadda, waxaanay kala dooranayaan 3 Musharrax oo Tartanka ku wada-jira iyo Saddexdooda ku-xigeen.

DADWEYNAHA SOMALILAND EE KAADHADHKII CODAYNTA SAFAF UGU JIRA 2017

Waxaa doorashada Madaxtinnimada Somaliland ku tartamaya Musharrixiinta kala ah Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka sharraxan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Muuse Biixi Cabdi oo ka Sharraxan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka sharraxan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Midkooda ku guulaysta doorashadan waxa uu Sharci ahaan noqon doonaa Madaxweynaha Somaliland Shanta sano ee soo socda ee ka bilaabanta maalinta Xilka loo dhaariyo, bil ka dib natiijada doorashada.

MUSHARRIXIINTA KU TARTAMAYA DOORASHADA MADAXTOOYADA SOMALILAND 2017.jpg

Dadka Somaliland iska diiwaangeliyey ee qaatay Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada, ayaa Tiradoodu dhan tahay 704,089, (Toddoba Boqol oo Kun, Afar Kun iyo Siddeetan iyo Sagaal Qof). Goobaha Codaynta doorashadu ka dhacayso guud ahaan Somaliland ayaa tiradoodu tahay 1642 (Kun Lix Boqol, Afartan iyo Laba Goobood), sida uu sheegay Guddiga doorashooyinku. Goobahaas Codaynta doorashadu ka dhacayso, ayaa kala hoos-tegaya 21 Degmo-doorasho oo ka kala tirsan Lix gobol oo kala ah; Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, goobahaas oo dhammaan Agabkii doorashada iyo Shaqaalihii ka hawlgalayey oo Sagaal Kun oo Qof Tiradoodu dhan tahay ku sugan yihiin Caawa, iyaga oo ay gelbiyeen, Amnigoodana sugayaan Ciidammada Qalabka Sida ee Somaliland, Sida Komishanku sheegay.

“Doorashada Goobaha dalka oo dhami waxay furmi doonaan toddobada Subaxnimo oo Tiradoodu dhan tahay 1642 goobood, Shaqaalaha Goobaha ka shaqaynayaa waa illaa Sagaal kun oo Shaqaale ah. Somaliland waxay ka koobantay 21 degmo-doorasho, dhammaan goobahaas way joogeen, halkaasay ka dhaqaaqeen, goob kastana caawa oo 13-ka bishu soo gelayso way joogaan Shaqaalihii doorashada, Agabkii iyo Warqadihii Codayntu-ba.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uga warramay hawl-galka doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan oo Weriyaha BBC-da Bashka Jug-soo-dhacay weydiiyey muddada ay ku qaadan doonto ku dhawaaqista natiijada doorashadu, waxa uu ku jawaabay; “Waxa la ogaanayaa haddii aanay cabasho iman illaa saddex maalmood bay nagu qaadan doontaa illaa 18/19-ka bisha nagaga badan mayso haddii Illaahay yidhaahdo. Sharcigu wuxuu noo oggolyahay illaa inta aannu ka boganayno ee ugu dhaqsaha badan, markay noo dhammaatana u gudbinno Maxkamadda.”

“Maxkamaddu waxay haysataa toban maalmood, markay ku dhawaaqdo inay Xisbiyadu ku soo gudbisan karaan wixii Dacwad ay qabaan, toban maalmood hadday dhaafto Natiijada ay Maxkamaddu nagu raacdo ayaa hirgelaysa, halkaas ayaanu Madaxweynaha cusub ee Somaliland ka soo baxi doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan.

Doorashadan Berri haddii Illaahay idmo Dadka Reer Somaliland u dareeri doonaan, ayaa noqonaysa tii saddexaad ee Madaxtooyo ee ay Safaf u galaan, Madaxweynaha ku soo baxaana waxa uu noqon doonaa Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland yeelato intii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga ay sheegtay inay Soomaaliya kaga go’day 18-kii May 1991-kii.

Madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland doorashada Codka Shacabka ku soo baxa, ayaa ahaa Daahir Rayaale Kaahin oo la doortay 2003-dii, halka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda xilka weli hayana la soo doortay 26 June 2010-kii, halka kii saddexaadna ka noqon doono midka Codka Shacabku u dareerayo Isniinta Berri ku guulaysta. Labadii Madaxweyne ee ka horreeyey, Allaah ha u naxariistee, waxay kala ahaayeen Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, kuwaas oo Qaab Baarlamaani ah iyagu Xilka ku qabtay.

Xisbiyada kala ah; Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu ka Sharraxan yihiin Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweyne u Sharraxan iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa oo ah Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo toddobada Sano iyo dheeraadka Siilaanyo Xilka hayey Madaxweyne Ku-xigeen u ahaa iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu Madaxweyne uga sharraxan yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu Ku-xigeen u yahay Ambassador Maxamed Cali, ayaa ah labada Xisbi ee Kaltanka ama Tartanka ugu adagi ku dhex-mari doono doorashada Isniinta loo dareerayo.

Waxay noqonaysaa markii koowaad ee Xisbiga Waddani u tartamo doorasho Madaxtooyo, halka Xisbiga Kulmiye ee wakhtigan talada hayaa laba Jeer oo hore u soo tartamay doorashada Madaxtooyada, isaga oo 2003-dii uu ka guulaystay Xisbigii UDUB oo uu Daahir Rayaale Kaahin ka sharraxnaa, halka Kulmiye oo Siilaanyo ka sharraxnaa iyo UCID oo Faysal Cali Waraabe ka Sharraxnaa doorashada lagaga guulaystay. Sidoo kale, doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii ayuu Kulmiye ku guulaystay doorashadaas oo Madaxweyne loo doortay Axmed-Siilaanyo, halka uu UCID ka hadhay. Balse, Waddani ayaa Xisbi ahaan doorashada Madaxtooyada 2017-ka ku cusub.

Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, ayaa ah labada Xisbi ee ololihii ugu adkaa ee doorashada soo galay, halka uu Xisbiga UCID isagu ka sahlanaa, waxaana la dhawrayaa waxa ay natiijadu noqon doonto, iyaga oo Reer Kulmiye iyo Reer Waddani Qolo waliba dhinacooda kalsooni ka muujinaya Codka ay Bulshada ka heli doonaan oo ay rejaynayaan Dhinac waliba in Musharraxoodu Madaxweyne ugu soo baxo. Hase-yeeshee, Sheegashooyinka iyo Rejooyinka labadaa Xisbi mid waliba waxay noqon doontaa sida Bulshadu uga jawaabto ee Natiijada Codayntu noqoto haddii Illaahay idmo.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.