“Wiilka Badda ku Dhintay Laashka ayuu iska Tuuray ..” Badhasaabka Saaxil – Waraysi

Berbera(Aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in Wiil ku dhintay Badda Berbera Maanta uu iska Tuuray Laash ay isaga iyo Lix Wiil oo kale oo Badda ku galeen, ka dib markii uu khalkhalay ama naxay ee Laashkaas oo aan Matoor shaqaynayaa ku xidhnayni Bad-weynta la dhex-galay, markii ay Dabayshu kaxay ka dib.

Guddoomiyaha Saaxil waxa uu sheegay in la soo badbaadiyey Wiilasha kale ee ay Laashka wada raaceen Wiilkaas geeriyooday, kuwaas oo ay 3 ka tirsani la socdeen Marxuumka Geeriyooday oo ay magaalada Hargeysa ka wada-tageen Fasixii Ciidal-Adxada ee shalay Dunida Islaamka laga tukaday ka dib.

Waxa uu Guddoomiyaha gobolka Saaxil sidaa ku sheegay markii shilkaasi dhacay ka dib Waraysi uu siiyey Eryal TV, isaga oo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanu sheegay in Dhalinyaro badan oo magaalooyinka Somaliland isaga yimi fasaxa Ciidda dartii ay Ciidammada Ammaanku Kaantarroollada Berbera laga galo ku joojiyeen oo ku xannibeen maanta.

Badhasaabka Saaxil waxa uu ku dooday inay adkeeyeen Ammaanka iyo meelaha Badda laga geli karo wakhtigan Fasaxa Ciidda oo ka mid ah xilliyada ay Dadku Berbera ugu badan yihiin ee ay u Dalxiis-tagaan oo ay Ciidammo u diyaariyeen ilaaliya Badda, balse ay jiraan Dhalinyaro iska eegaysa Ciidammadaas oo meelo aan loogu talo-gelin in laga galo Badda ka gelaya.

Waraysiga uu Shilkaaas Naxdinta leh kaga warramay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan Hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.