Weheshiga ilmada – Filim Cusub oo Xaqiiqada Xaalad Xeelad lagu Xalliyo loo waayey Xambaarsan – Daawo

Hargeysa(Aftahannews):- Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Filim cusub oo qiiradiisa iyo qiimihiisaba leh, kaas oo Magiciisu yahay; “Weheshiga Ilmada”, Kaas oo xambaarsan xaalado maalinkasta iyo saacad kastaba ka la deris ah Bulshada Soomaalida, isla markaana aan weli xal iyo xeelad wax lagaga qabto oo lagu guulaystay jirin.

Filimkani waa Filim ku saabsan Tahriibka iyo dhibta ay Dhallinyaradu ka mudato. Waxa lagu metelay magaalada Hargeysa, waxaanu muujinayaa xaqiiqda rasmiga ah ee waalidka iyo da’yartaba haysta. Waxa qortay oo samaysay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaana soosaaray oo hagay Barkhad M. Kaariye. Waxa uu filimkani sannadkii 2016 ka qaybgalay tartanka caalamiga ah ee PLURAL+ Youth Video Festival | UNAOC oo lagu qabtay magaalada NewYork ee Maraykanka.

Waxaannu idiinku soo gudbinaynaa oo aad kaga bogan kartaan ama kala degi kartaan Filimkaas, Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.