Dhacdo Naxdin leh: Rag Qodayey Xabaal uu ku Aasnaa Sheekh Caan ah oo la Qabtay “Midkood waa Qurbo-joog”

XABAASHA SHEEKH SUUFI NUURIYE EE NIMANKA QODANAYA LAGU QABTAY DULEEDKA ARABSIYO 10 JULY 2017

Arabsiyo(Aftahannews):- Cabdillaahi Cabdi Faarax oo ah Guddoomiyaha degmada Arabsiyo, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen, isla markaana xidheen laba Nin oo ka tirsan Afar Nin oo lagu eedeeyey inay qodayeen Qabriga Sheekh Suufi Nuuriye oo ka mid ahaa Culimadii waawaynayd ee aasaasay degmada Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Gabiley oo ku aasan duleedka magaalada Arabsiyo.

XABAASHA SHEEKH SUUFI NUURIYE EE NIMANKA QODANAYA LAGU QABTAY DULEEDKA ARABSIYO 10 JULY 2017
XABAASHA SHEEKH SUUFI NUURIYE EE NIMANKA QODANAYA LAGU QABTAY DULEEDKA ARABSIYO 10 JULY 2017

Guddoomiyaha degmada Arabsiyo waxa uu sheegay in markii koobaad maalmo ka hor la arkay Xabashaas oo la qoday, balse la dhayalsaday, isla markaana ay markii labaad ku soo laabteen Shalay, ka dibna lagu qabtay laba ka mid ah Afartaas Nin. Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay inaanay illaa hadda garan karin sababta ay Qabrigaas Sheekh Suufi Nuuriye oo ka mid ah Culimada deegaankaa laga siiyo loo baadhayo wakhtigan.

Guddoomiye Cabdillaahi Cabdi Faarax, waxa uu sheegay in Raggaas la qabtay baadhitaan lagu hayo, isla markaana ay Nimankaas qaar yihiin Rag Qurbo-joog ah; sida uu hadalka u dhigay. Waxaanu Dhacdadan la xidhiidhiyey oo uu ku tilmaamay mid la mid ah dhaqammada ay sameeyaan Ururrada Xag-jirka ah; sida Daacish, Al-Shabaab, Boko Xaram iyo kuwo la mid.

Warbixinta Waraysiga uu bixiyey Guddoomiyaha degmada Arabsiyo ee la Xabaasha Marxuum Sheekh Suuxi Nuuriye oo muddo lixdan sano ku siman ku aasnaa halkaas qodayey iyo waxa uu ka yidhi-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.