Galaydh oo Markii ugu horreysay Saadaaliyey Aqoonsi ay Somaliland hesho & Jidka loo marayo oo uu Sharraxay

CALI KHALIIF GALAYDH

“Bahashu Isaaqiya ayey ahayde Haddii la isu yimaaddo Ictiraaf loo Gurguurto waa ka koraynaa, Halkeennaa la innoogu imanayaa haddii la yidhaahdo waa loo dhan yahay. Waxaan Qabaa, Ictiraaf, Horumar iyo Qaddarin baynu ku hiran karnaa haddii… Rejo Soomaaliyeed oo aan Hargeysa ka bilaabmani Xamar, Baladweyne iyo Gaalkacayo ka bilaaban mayso, Baydhabana Warkeeda iska daa..” Cali Khaliif Galaydh

CALI KHALIIF GALAYDH OO SAADAALIYEY AQOONSI SOMALILAND CAALAMKA KA HESHO IYO JIDKA HORUMARKA 17 JUNE 2017
CALI KHALIIF GALAYDH OO SAADAALIYEY AQOONSI SOMALILAND CAALAMKA KA HESHO IYO JIDKA HORUMARKA 17 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Khaatumom Cali Khaliif Galaydh oo Khudbad ka jeediyey Shir ay Maanta Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen Heshiis qodobbo kala duwan oo muhiim ah xambaarsan, ayaa markii ugu horreysay saadaaliyey Aqoonsi ay Somaliland Beesha caalamka ka hesho, isla markaana tilmaamay jidka lagu heli karo ama uu ku iman karo Ictiraafkaas uu saadaaliyey.

Waxa uu sheegay Cali Khaliif haddii Somaliland dhexdeeda Dadka wada degaa isugu yimaaddaan oo u sinnaadaan Maamulka iyo talada oo Beelnimada laga saaro dawladda, in Aqoonsiga ay muddada badan loo gurguuranayo imanayo, isla markaana Beesha Caalamku halkeeda ugu iman doonto Somaliland. Sidoo kalena is-faham Soomaali dhex-maraa meesha keliya ee uu ka bilaabmi karaa yahay Somaliland.

Haddaba, Cali Khaliif Galaydh oo Khudbadda uu jeediyey dhinacyo badan oo kala duwan oo inta kor ku xusani ka mid yihiin, waxaannu iyadoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.