“Somaliland Waxay hore Saldhig Millateri u Siisay Xulufada Imaaraadka, Immikana..” Baashe Cawil oo Sir la qariyey Kashifay

XUKUUMADDA SOMALILAND OO IMAARAADKA U SAXEEXDAY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017

Dubai(Aftahannews):- Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland dani ugu jirto Taageerada Xulufada Carbeed ee xidhiihdka u jaray dawladda Qadar, isaga oo sheegay inay Somaliland hore Saldhig Millateri Berbera uga siisay Xulufada Imaaraadka, sida uu hadalka u dhigay.

XUKUUMADDA SOMALILAND OO IMAARAADKA U SAXEEXDAY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017
XUKUUMADDA SOMALILAND OO IMAARAADKA U SAXEEXDAY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017

Hadalkan ayaa u muuqda mid ka fakaday Baashe Cawil, maaddaama oo ay hore Isaga iyo Masuuliyiinta kale ee Xukuumadda Somaliland u sheegeen in Saldhigga Millateri ee Berbera keliya la siiyey Dawladda Imaaraadka Carabta ee Dubai, oo ay ku celceliyeen inaanay Xulufo Carbeed oo kale ku wehelin Saldhiggaas oo Heshiiskiisu ka dhacay magaalada Dubai dhawr bilood ka hor.

Hase-yeeshee, xalay wuxuu sheegay in Xulufadu ku weheliso, sida laga dhadhansaday Hadalkiisa mar uu Waraysi Khadka Taleefanka kula yeeshay Weriye Khadar Macallin Deeq oo ka tirsan Bulsho TV iyo Wargeyska Saxansaxo ee Hargeysa ka soo baxa.

Waraysigaas Baashe Cawil oo Dubai ku sugan Khadka Taleefanka uu Weriye Khadar Macallin kula yeeshay oo dhammaystiran oo uu kaga hadlayo Xiisadda hadda ee Carabta iyo arrinta Somaliland, Muuqaal-dhegaysigan hoose kaga bogo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.