Soomaaliya oo Beenisay in Farmaajo Diiday 80 Milyan oo Khaliijku ku Baayacay Mawqifka Dawladda ee Gedoominta Qadar

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017

Muqdisho(Afthaannews):- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meesha ka saartay jiritaanka Xogo Warbaahinta Carabtu Faafisay oo ay Saxaafadda Soomaaliduna badi soo xigatay, kuwaas oo lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo Xulufada Sucuudigu hoggaaminayo ee xidhiidhka u jaray dawladda Qadar uu ku diiday Lacag lagu sheegay Siddeetan Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA ENG CABDIRAXMAAN-YARIISAW OO SHEEGAY INAAN CARABTU BAAYICIN MAWQIFKA SOOMAALIYA EE KHILAAFKA QADAR
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA ENG CABDIRAXMAAN-YARIISAW OO SHEEGAY INAAN CARABTU BAAYICIN MAWQIFKA SOOMAALIYA EE KHILAAFKA QADAR

Wasiirka Wasaaraadda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo Arbacadii Maanta Warbaahinta Muqdisho kula hadlay, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin Wararka Sheegaya in arrimo dhaqaale lagaga wadahadlay kulammadii dhex-maray Madaxda Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday Waddamada Carabta oo Muqdisho ka dhacay Dhammaadka toddobaadkii hore iyo horraanta toddobaadkan, markii ay Soomaaliya mawqif dhex-dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Qadar iyo Xulufada Sucuudigu hoggaaminayo.

“Warbaahintu waa in ay iska ilaaliyaan Wararka been-abuurka ah ee ka durugsan xushmadda iyo dhaqanka Diblomaasiyadda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan-Yariisow, waxaanu intaas ku daray; “Sidaas darteed, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in haba yaraatee, aan wax dhaqaale ah lagaga hadlin kulammadii la xidhiidhay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee arrimaha Khaliijka.”

Wasiir Yariisow, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka ay leeyihiin xidhiidh Walaaltinimo oo qoto dheer, isla markaana ay ka dhaxeeyaan dano badan oo ku dhisan Iskaashi iyo wax wada-qabsi. Sidaa daraaddeedna uu Saxaafadda Soomaalida u soo jeedinayo inay ka fogaadaan Wararka iyo Xogaha aan Xaqiiqada ahayn ee wax u dhimi kara Sumcadda iyo Karaamada Qaranka Soomaaliya iyo weliba kuwa waddamada ay xidhiidhka dhaw leeyihiin ee Carabtu ugu horreyso.

Warbaahinta Caalamiga ah ee Kuwa Carabta u badan, ayaa baahiyey Wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo Khaliijka ku diiday lacag Dhan 80 Milyan oo Doollar, oo lagaga dalbaday inay ka noqoto Soomaaliya mawqifka dhex-dhexaadka ah ee ay ka qaadatay Khilaafka Carabta, isla markaana taageerto go’aanka ay Sucuudiga, Masar, Baxrayn, Imaaraadka Dubai, Liibiya, Yemen iyo Dawlado kale ku gedoomiyeen dawladda Qadar oo ay Xidhiidhka u jareen, isla markaana Xuduudaha Badda, Cirka iyo Dhulkaba ka xidheen, sidoo kalena Muwaaddiniinteeda ku amreen inay ka baxaan dalalkooda. Warkaas ayey Warbaahinta Soomaalida inteeda badanina soo xigatay.

Warkan uu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya beeniyey Maanta, waxaa 12-kii bishan June ee aynu ku jirno qoray Warbaahinta The New Khalij news, taasoo sheegtay inay soo bandhigtay Warbixin uu kaga hadlay 80 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo uu iska diidey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu xidhiidhka ugu jaro dawladda Qatar.

“Muddo labo saacadood ah ayaa kulan albaabada u xidhnaayeen lala yeeshay Madaxweyne Farmajo. Wasiirku wuxuu isku dayey inuu ku qanciyo in uu Lacag qaato, balse wuu diiday Farmaajo isku day walba.” Sidaa waxa yidhi Tifaftirihii hore ee Wargeyska Doha ka soo baxa ee Al-Sharq Weriye Jaber al-Harmi oo Warbaahinta The New Arab iyo The New Khalij news la hadlay, sida ay baahiyeen shalay oo Bishan June ahayd 12. Hase-yeeshee, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Yariisow, waxa uu sheegay inuu yahay Been-abuur aan waxba ka jirin.

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.