Muuse Biixi oo Shaaciyey in aanay Somaliland Diiddanayn Midnimada Soomaaliya & Shuruudda uu ku xidhay

MUUSE BIIXI OO SHEEGAY SOMALILAND INAANAY DIIDDANAYN MIDNIMADA SOOMAALIWEYN 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inaanay Somaliland diiddanayn inay la midawdo Soomaaliya, hase-yeeshee, ay diiddan tahay xuquuq la’aan iyo sinnaansho la’aan mar kale ay ku midoobaan Somaliland iyo Soomaaliya.

MUUSE BIIXI OO SHEEGAY SOMALILAND INAANAY DIIDDANAYN MIDNIMADA SOOMAALIWEYN 2017
MUUSE BIIXI OO SHEEGAY SOMALILAND INAANAY DIIDDANAYN MIDNIMADA SOOMAALIWEYN 2017

Muuse Biixi oo sidoo kale ah Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye, waxa uu hadalkaas ka sheegay mar uu Axaddii Maanta Khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad Xisbigiisu Dad ku biiray uu Boorame ugu qabtay, waxaanu ka sheekeeyey sidii ay ku timi midnimada Somaliland markii ay Jabhaddii SNM Somaliland ka qabsatay Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya 1991-kii iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu soo dhisay Somaliland ee Boorama iyo Burco, gaar ahaan kii Boorame lagu qabtay 1993-kii, ka dib markii ay su’aali ka dhalatay Dadka ku dooda in Beesha dhexe oo SNM hoggaaminaysay gumaysato Awdal oo aan Dadkiisu ka tirsanayn SNM.

Hadalka Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbil-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi arrimahaas iyo kuwo kale oo la xidhiidha kaga hadlayo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.