Madaxweyne Siilaanyo Badheedhihii Shalay uu ku Diiddanaa Macdan Baadhista iyo Boobka Maanta: Laba aan is-qaban!

WASIIRKA MACDANTA SOMALILAND OO HESHIIS LA SAXEEXANAYA SHIRKAD SHIINA LAGA LEEYAHAY 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu ahaa Hoggaamiyaha Xisbigii Mucaaradka ugu weynaa markaa ee Kulmiye oo ah Muxaafidka manta, waxa uu si weyn uga soo horjeeday, isla markaana u dhalliili jiray qorshe Macdan-baadhis ah oo ay iskudayday inay dalka ka samayso Xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo Siilaanyo markaa sheegi jiray inaanay Macdan la baadhayaa jirin ee Sun iyo Hadhaaga Hubka wax gumaada ee Nukliyeerka lagu shubayo dhulka la doonayey in Sahaminta iyo baadhista laga sameeyo.

WASIIRKA MACDANTA SOMALILAND OO HESHIIS LA SAXEEXANAYA SHIRKAD SHIINA LAGA LEEYAHAY 2016
WASIIRKA MACDANTA SOMALILAND OO HESHIIS LA SAXEEXANAYA SHIRKAD SHIINA LAGA LEEYAHAY 2016

Hase-yeeshee, tan iyo markii uu talada Somaliland qabtay Madaxweyne Siilaanyo 27 Julay 2010-kii, waxaa Somaliland qaybo badan oo ka mid ah ka socda Macdan-baadhis, Macdan iyo Shiidaal Sahamin iyo qodista Macdanta oo Maraakiib iyo Diyaarado kala duwan laga raray, iyada oo ay jiraan Shirkado badan oo kala duwan oo ay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland heshiisyo kala geddisan la gashay, kuwaas oo mid keliya oo ka mid ahi aan loo gudbin Golaha Baarlamaanka, isla markaana Hanti laga soo xareeyey oo Muuqata aan la arag, balse ku kooban Wasiirka aan dhicin ee Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo xataa faahfaahinta iyo xogta heshiisyadaasi isaga keliya ku kooban yihiin.

Haddaba, Bulshada Somaliland in badan oo ka tirsan ayey isu qaban la’yihiin sidii uu Siilaanyo uga hadli jiray arrimahaas iyo kuwo kale oo badan iyo sida Maanta uu Hantidii dalka u boobayo Wasiirka aan dhicin ee Macdantu, kaasoo uu Buuro dhan oo la qoday wixii Macdano laga soos aaray Bari illaa Galbeed, si gaar ah uga faa’iidaystay uguna dhoofiya waddamo dalka dibeddiisa ah.

Waxaannu halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Madaxweyne Siilaanyo oo isagoo ah Guddoomiyaha Kulmiye si adag uga hadlaya arrimaha Macdanta iyo Sida uu Maanta Wasiir Ducaale Heshiisyada keligii ku kooban ugu Dhaxal-wareejinayo Hantida Ma-guurtada ah ee Somaliland ee ah Khayraadka Saliidaha iyo Macdanaha kala duwan ee aan midhooda la arag, waxaanad kaga bogan kartaan Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.