Derajada Shimbir Ugu Sarreeya Ciidanka ilaalada Dalka Norway

Nils Olav Republican Guard in Norway

Oslo(Aftahannews):- Shimbirka lagu magacaabo Nils Olav ayaa madax ka ah ciidanka ilaalada Jamhuuriga ah ee dalka Norway (Republican Guard in Norway). Shimbirkan oo ah nooca Shimbir-badeedda loo yaqaan ayey Derejadiisu tahay Kornayl (Colonel).

Nils Olav Republican Guard in Norway
Nils Olav Republican Guard in Norway

Arrintan ayaa ka mid aha arrimaha yaabka leh ee Dunida ka dhacay ama lagu arkay, waxaana la sheegay in sababta Derejadan sare lagu siiyay ay tahay Shimbirka Nils Olav iyadoo loo arko inuu yahay Nasiibka Ciidanka iyo mid faal-wanaagsan u ah Ciidanka Jamhuuriga Norway.

Daraasad la sameeyay, ayaa iyana caddaysay in Shimbirkan oo laba midab leh, dusha sare oo madoow iyo hoosta oo cad uu yahay mid dareenkiisu sareeyo.

Dalka Ingriiska sannadkii 2011, ayaa Daraasad lagu soo bandhigay sheegtay inuu Shimbirkani mararka qaarkood uu ku dhaco niyad jab kaasi oo wakhtigaasi aamusa, kelidii socda, raashinka joojiyo oo madaxana hoos u dhiga.

Taasi oo caddaysay inay jirto xaalad ku timi oo u baahan in wax laga qabto, waxaana ay sheegeen inay Shimbiro sidaasi ku dhacday ay daweeyeen oo arrimihii ay dareemeyeen markii la hagaajiyay ay sidoodii ku soo noqdeen, taasina ay tahay arrimo xataa aan iyaga saamayn, laakiin Bulshada ay la nool yihiin saameeya.

Waxa Turjumay Faysal Axmed Kaarshe

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.