Nuxurrada Mililka Dhaymaha U Baahan, Doorka Somaliland ku leedahay Dabiibka Fogaadey ee Colaadda Dharkayn-geenyo iyo Hirdanka Siyaasadeed ee Dahsoon!

FAYSAL AXMED KAARSHE

Nuxurrada Mililka Dhaymaha U Baahan, Doorka Ay Xukuumada Sland Ku Leedahay Iyo Daawaynta Dabiibkeedu Fogaadey Ee Colaada dharkayngeenyo.

FAYSAL AXMED KAARSHE
FAYSAL AXMED KAARSHE

 

Degmada dharkayngeenyo waxay dhinaca koonfureed ka xigtaa gobolka sool Xaruntiisa laascaanood hilaadii 90 km, waxayna ku taal xuduuda dheer ee soohdinta u ah xadka deegaanka resevaria ee dawlad deegaanka ethiopia waxayna la siman tahay, magaalooyinka xadkaasi maro ee buuhoodle iyo balidhiig.

Waxaana deegaankaas koonfurta gobolka sool oodwadaag ka ah beesha maxamed garaad (bahararsame) iyo beesha cabdi garaad (qayaad), waxaana muddo laga joogo 12 sano iyo siyaado dilal la xidhiidhsan aanooyin ay ku dhexmareen labadaa beelood, iyadoo markii danbe tiradoodu gaadhay waa dhimashada’ e 14 qof.

Ka dib waxaa 22 may 2006 dii lagu caleemo saaray magaalada laascaanood garaadka guud ee beesha dhulbahante garaad jaamac garaad cali, waxaana garaadku talaabadii 1 aad ee uu qaado ku xaliyey dilkaa joogtada ah ee muddada soo jiitamayey kuwaasoo dhexmarayey labada beelood ee ehelka iyo oodwadaagta ah, isagoo ku guulaystay soo afjaridii nabadaas oo ahayd talaabdooyinkiisii ugu horreeyey ee garaadku uu qaado, Hadaba intii ka danbaysay waxaa jiray xifaaltan iyo deegaanriix aan la isu uur samayn marnaba.

Kala baydh iyo dharkayn

Xukuumada somaliland markii ay la wareegtay gacan ku haynta gobolka sool. Ayaa Waxaa dhinaca koonfurta sool isagana laga unkay hogaankii SSC ee uu hogaamiyaha ka ahaa saleebaan ciise (xaglotoosiye) iyo ku xigeenkiisii col sabarey hagaankaas maamul oo uu hadafkiisu ahaa halgan uu kaga saaro ciidanka somaliland magaalada laascaanood iyo weliba in aanu maamulkaasi ku fidin deegaanka hawdka iyo koonfurtiisa gobolka sool.

Si kastaba ha ahaatee maamulka somaliland waxa laf dhuun gashay ku noqday saldhiga dharkayn geenyo ee jabhadaasi deganaanshiiyaha ka dhigatay, iyadoo uu u suurta geli waayey in maamulka lagu fidiyo koonfurta gobolka sool taasi waxay sababtay in xukuumada somaliland iyadoo u maraysa dadkii deganaa deegaanka ay ka taabogrliso maamulkii degmanimo iyo saldhig ciidan kaas oo ay mushaharkiisa si toos ah ay u gaadhsiin jirtay xukuumada somaliland ayadoo si toos ah diirada u saartay degmada dharkayn geenyo oo hogaankaa SSC iyo ciidankiisu saldhig ka samaysteen.

Dhinaca kale xiligaas gacan ku haynta laascaanood ee somaliland iyo ka horba waxay labadaa magaalo ee dharkayngeenyo iyo kala baydh ay u dirteen xukuumada sare codsiyo iyo ergooyin raadco u gala in degmo loo magacaabo mid walba.deegaankaasna aanay laba degmo geli karin ee hal degmo uun geli karto

Waxaana xiligaas ay dawladii riyaale u magacawdey degmo dharkayngeenyo, waxayna xukuumadaasi ka abuurtay ciidan leh bar kantarool oo saadkooda iyo mushaharkooduba joogto yahay,iyadoo xukuumadu doorbiday hoyga saldhiga u ah SSC  sidaana kalabaydh kaga maarantay degmo ay siiso,sida bil xaqiiqda ahna arintaasu ma aanay noqon mid raaligelisa deegaanka kalabaydh oo u arka in xagoodii danbe oo ay kaga haboon yihiin lagu magacaabay degmadii deegaankaas.

Arrimahaas oo dhami waa kuwa ka mid ah mililka cinwaanka ku xusan ee dhaymaha u baahan iyadoo xurguftii hore ay u raacayso hogaankii SSC oo isu bedelay maamulka khaatumo state ee cali khaliif hogaamiyo oo laf ahaantiisuna deegaankaasi u ahaa fadhiisin ayna kala dhantaashay degmadaas dharkayngeenyo isu socodkoodiina kala go’doomisay,dhinaca kalena waxaa maamulka somaliland ka go’nayd in ay ka hirgeliso maamul si buuxda uga hana qaada dagmada dharkayn, sidoo kalena uusan noqon maamul u ogolaada in maamulka khaatumo isu socod iyo deganaanshiiyo uu uga suurta galo deegaanka dharkayn iyo nawaaxigiisa.

 Roolka Xildhibaanadii Qabatimey Isxanbaarka Iyo Kuwa Ku Hamiyaya doorasho Ka Qabsoonta.

marka dhinacaa laga istaago laf ahaanteeda sida caadada ah ama dhacday doorashadii u danbaysay degaanada aan amnigoodu sugnayn dadka ka sharaxan waxa xambaarayey xubinta ay isku xisbiga yihiin isla markaana deegaankiisa laga codaynayey hadii uu soo baxo.

Si hadaba barmaamijkaasi u noqdo mid shaqeeya, waxaa jira xildhibaano ku hawlan si aanay marxaladaasi nabadeed u noqon mid degta, kuwaasoo danaynaya in ay si fudud oo aan kharash iyo hawli toona uga raacin ay ugu soo baxaan sidii kal hore, run ahaantiina nubnahaasi waa kuwo ku raagay kuraasta baarlamaanka muddo dheerna soo fadhiyey bulshaduna xumaantooda, samahooda, waxqabadkooda intaba ay soo muteen, laf ahaantooduna isu arka in aanay ku fadhiyin cod ay ku metelaan ama ugu hawshoodaan bulshadaa ay kursigooda ku fadhiyaan maadaaba aan la tirin cod iyo doorasho ka qabsoontay deegaankaas daganaanshiiyo la’aan awgood.

Waxaana halkan soo taagan xubno kale oo la deegaan ah oo doorbidaya ama ay u muuqatay in ay u dhaami lahaayeen bulshada deegaanka xisbi kasta ha ka soo jeedeene, taasina waa ta siinaysa doorka garasho ee uu ugu hawlan yahay in nabad ka aslaaxda deegaankaas aan marna lagu guulaysan, waxayna ka mid tahay tafaasiisha mililada iyo doorarka ciyaaraya isreebreebka bilowga ah.

Boorame Iyo Sool

Labadan gobol waxa ay kala xigaan labada daraf ee bariga iyo galbeedka, waxaana badiyaa ka dhex jira loolan ku aadan lahaanshaha majooratiga soomaaliland ,iyaga oo xiliyadii horena ahaa isku xisbi, waxaana ay kala riixanayaan booska labaad oo ah madaxweyne ku xigeenka oo uu xisbiyada dhamaantood ay ku xigeeno ka yihiin xubno ka soo jeeda gobolka awdal, taasoo ay sababtay ka dib markii gobolka sool noqday mid aanay marna dhamaystir uga suurtagelin qaadashada kaadhka diiwaan gelineed hadii ay ka hirgasho diiwaangelinta iyo qaadashada kaadhkuna waxa soo baxaysa tirada rasmiga ah ee lagu ogaanayo tiradooda iyo codkooda,ka dib taasi waxay ka mid noqonaysaa waxyaabaha sababaya in gobolkaasi waayo booska madaxweyne ku xigeenka ee uu ku adaysanayo yeelashadiisa,sidoo kale gobolka boorame ayaa sababaha uu ku xalaalaystay booska ku xigeenka madaxwaynaha ay ka mid tahay fidin la’aanta maamulka iyo ogaansho la’aanta tirsiga ku xidhan diiwaangelinta iyo qaadashada kaadhadhka waana mid ku dabran amni buuxa oo ka hana qada deegaankaas lagana codeeyo..

Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani

Dadka siyaasada quudareeya ayaa qaba in xisbiyada kulmiye iyo waddani uu ka dhex socdo loolan ba’an oo ku aaddan raadcada loogu jiro nabadeyn ka dhalata deegaanka koonfurta gobolka sool, iyagoo ku kala aragti duwan, mawqifka diiwaan gelineed ee deegaankaa iyagoo xogahaasi xaqiijinaya, in xisbi xaakimka kulmiye dananayo in aan diiwaan gelini gaadhin deegaankaas isla markaana uu kula soo baxo kuraasta qaab isxambaar.

Isagoo kula soo baxaya in xildhibaanada ka soo baxa dhulka dawlada ka taliso oo ay ku sugan yihiin kumanaan ciidamada ah iyo shaqaalaha dawlada oo buuxin doona khaanadihii ay baneeyeen dadkii shacabka ahaa ee colaadaas deminteeda lagu hawlan yahay siin wayday xasiloonaan ay codkooda si xor ah ku siiyaan shaqsiga ay door moodaan.

Waxaa kale oo lagu xamanayaa xisbi xaakimka in uu isagu hortaagan yahay colaada la’aanteedba in deegaankaa ay gaadho diiwaan gelin lagu qaato kaadhadhka codaynta, inagoo soo sababaynay madaxweyne ku xigeenka xisbigaasina ka soo jeedo gobolka awdal yahayna madaxweyne ku xigeenka c/raxmaan saylici, isagoo sidoo kale xisbigaasi kaga duwan yahay labada kale xisbiga keliya ee uu u qabsoomay kalfadhigii waynaa ee lagu dooranayey labada musharax halka labada kale aanu qabsoomin kalfadhigoodii hubantida musharixiinta lagu xaqiisanayey.

Xogaha ayaa sii iftiiminaya in xisbiga wadani oo uga fara dhuudhuuban xisbiga ucid dhinaca bariga uu danaynayo qaab aan ahayn isxanbaarka rabitaankiisuna yahay in diiwaan gelintu ka qabsoonto gobolkaa iyo koonfurtiisa, si uu u helo wejiyo cusub oo aan ahayn kuwan ku abaaday cimriga dheer golaha barlamaanka kuna milmay xisbiga talada haya.

Faallo: Qalinka Suxufi Faysal Axmed Kaarshe

kaarshe2010@gmail.com

Aftahannews.com.

 

 

.