Daraasad Ku Saabsan Xidhiidhka Adeegyada 061 Puntland,062 Somaliya Iyo 063 Somaliland Ee Shirkada Telesom

Hargaysa(AftahanNews) Shirkada isgaadhiista telesom  waxay ku biirtay kooxaha hadimadasiyaasadeed ku haya shacab ka iyo jiritaanka jamuuriyada soomaalli land   , waxaan Qoraaladeenan oo taxane noqon doona kaga hadli doonaa dhibaatada ay shirkada TELOSOM ku hayso jiritaanka jamuuriyada soomaliland iyo caafimaad qabka bulsho weynta Somaliland meel kasta oo ay joogaan ee dalka gudihiisa iyo caqbada isku furka tilifoonada dalaka gudihihiisa( ENTER CONNECTION ) oo aanay raali ka ahaynshirkada telesom , taasi oo saamayn ku yeelatay xidhiidhka bulshdan ay dhibaatooyinka badani ka haystaan adeegyada isgaadhsiineed .

030713b

Shirkada telesom waa shirkada ugu balaadhan shirkdaha is gaadhsiineed ee dalka ka hana qaaday , isla markaa shirkada telesom waa shirkada ugu dakhliga badan ee shirkadaha isgaadhsiineed ee dalka ka jira , shirkada telesom waa shirkada ugu waxqabadka liidata ama yare ee xaga hormarinta adeegyada bulshada , shirkada telesom waa shirkada u wax yeelo badan adeegyada caafimaadka dadweynaha taasi oo ay si toosa u waxyeeleeyaan TAAWARADAN faraha badan ee ilaa ay xaafadihii ay ka dhex taagtay .

10542

sidoo kale shirkda telesom waxaa ay ku sifoowday shirkada u cashuur bixinta yar taasi oo cashuurta ay dawlada u xaraysa aanay ahayn cashuurta saxda ee ku waajibtay oo ilaa hada aanay wasaarada boosuha iyo isgaadhsiintu aanay keenin qalabkii lagu ogaanlahaa income call and out calls ee lagula xisaabtami lahaa.

  soomaliland waxaa ay hamigeeda guud iyo istraajajiydeeda isgaadhsiineed yahay sidii uu dalkani u yeelan lahaa fure dal ku gal oo u gooni ah taasi oo ay shacab weynaha reer soomaliland in badanba u samrayeen manta ay u sii samri doonaan . Hadaba waxaa cadaatay in shirkida TELESOM ay muujisay cadaawada ay u qabto hormarinta danaha iyo ujeedooyinka guud ee shacabka iyo dawlda somaliland ee ay ka dhex shaqaysato kana dhex ganacsato .

  aqoon darada iyo taariikh la’aanta masuuliyiinta shirkada isgaadhiista telsom in maanta ay ku adacoodaan inay Code numberkiiay hore bulshada ugu sameeyaan ay ku soo khordiyaan number fure ahaan laga isticmaalo Koonfurta somaliya oo ah {061muqdisho}, kan ay maanta ka hirgalinaysana uu yahay {063 Hargaysa} kaasi oo si cad uga turjumaya inay masuuliyiinta shirkada telesom ay ka weecadeen wadadii iyo hamigii ay shacabka iyo dawlda somalilandba ay lahayeen .

Sikastaba ha ahaateen  ilaalinta sharafta , xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaala ee is gaadhiineed waxaa xukuumada uga masuula wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta oo aan runtii   dayacday waajibaadkii masuuliyadeed ay bulshada iyo xukuumada ay u haysay , Taasoo Aan gudan waajib ka kaa saaran ilaalinta xeerarka uu dastuurku u baneeyay nidaamka Is gaadhsiineed ee Somaliland

Hadaba shirkada telesom ma waxay isku badashay shirkad ama xusbi siyaasadeed oo Somali land looga oleeleeyo nidaamka fadhiidka ee soomaliya ,  Waxaana La Gudboon shacabka reer Somaliland ee isticmaala SMSKA TELESOM    inay dareenkooda diidmo muujiyaan oo ay ka mudaharaadaan isku dayga foosha xun ee taariikh la’aan ku salaysan ee masuuliyiinta telesom ka dhawaajiyeen .

 Waxa mararka qaar dhici jirtay in raashiin bakhaaro laga buuxiyo si markii maraakiibta badeecadaha kala go do ay qiima sare u siistaan hadaba sanadahan dambe oo caalamku uu ku tilaabsanayo teknoolajiyo casri ah waxaa soo baxay habab casri oo umadii danyarta ahayd ku keenay dhibaato baaxaad leh waxaana ka mid ah naqshadahaha cusub ee umadii cunaha qabtay ka mid ah adeega Zaad ee ay bixiso shirkada Telesom dhibaatada adeegani bulshada u keenay Ayaa Aynu Ku Iftiimin Doonaa Si Aan bulshada ugu Wacyigelino Dhibaatooyinka Shirkadan Telesom Ku Hayso Dalka Iyo Dadka Waxaana Aynu Soo qaadan Doonaa Inta Ay Leeg Tahay Faaiidada Shirkada Telesom Inagoo Is Barbar dhig Ku Samayn Doona Khasaare Iyo Faaiido Waxa Ay Shirkadani U Qaabilsan Tahay Dadka Shacabka Ah iyo danyarta Somaliland

1) dhamaan suuqyada waawayn ee dalka Somaliland Waa Ay Haawanayaan Waxaana Dhamaanba Hawada Ka Baxay Wax Shilimaad La Yiraahdo oo Shacabku Jeebka ku qaato,Si uu Wax ugu Iibsado Taasi oo uu Kow Ka Yahay Adeega ZAAD ZERVISE oo Bilaa Damaanad Ah Halka Lacagtii Dadkana Lagu Xareeyey Akoono Gaar Shacabkuna Ay Electronic La Sameeyey Loogu Sheegay Inay Tahay Lacagtoodii Kaashka Ahayd.

2) in ganacsatadii yaryarayd ee quutulyoonka raadinjirtay ay dhibaato weyn lasoo gudboonaatay maxaa yeelay qofkasta wuxuu adeegsanaya adeega Zaad  taasna uma saamaxayso danyarta inay ku ganacsadaan waayo waa Lacagta Dolarka Ah.

3) in maanta reerkii awal biilanjiray 200$ aysan ku filnayn 500$ waayo islaantii yaanyada gadaysay waxay rabtaa dlr tii hilibka kiilada sokortaa ZAAD Ayay Doonaysaa Sidoo Kale  cajiinkii ZAAD caanihii ZAAD waxay rabtaa dlr ZAAD lagu xawilayo bakhaarkii sidoo kale biyihii iyo korantadii la mid iyo dhamaan arimaha la xariira nolosha qoyska islaanta shaaha gadaysa waxay rabtaa ZAAD  inaad lacagta ugu dirto ayadoo dlr ah

Hadaba Arintaasi waxaanu Wax ka waydiinay mid ka mid ah Dadka Jooga Magaalada Hargaysa Kaasi oo Noo Iftiimiyay Dhibta Haysata Arintan Telesom Iyo Weliba Faaiidada Iyo Khasaaraha Adeega ZAADku ku Hayo Bulshada iyo Ka Shaqsi Ahaanba Waxaana uu Farta ku Fiiqay Inay Busaaradu ugu Horeysay Maalintii Uu Adeegan Soo Furtay Waxaana uu Yidhi “Walaal ADeegan waxaan u malayn Karaa inuu Shaydaan La Shaqaysto,Maxaa Yeelay dadkii Waa La Jeclaysiiyay Dee Hadaanu La Shaqayn Maxaa Maraykanka looga Hirgelin Waayay,Dad Gaar ah ayaa Dhiiga Dadka Jaqaya Horta Ma Taqaaniin Telesom Cida Iska Leh,Weli Ma Naqaan ileen Shirkadaha Kale Waynu Naqaanaaye,Wakiil qof u Ah waa inaanu Noo Sheegan Inuu leeyahay isagu,Ta kale Walaal markaan meelkasta ugu yaraan 5dlr u tuuro meeqa ayuu i haynkaraa 100ka dlrka waa waxyar soomarka taasi culees xadhaaf ah nooma horseedin “Ayuu Yidhi Ninkasi Ka Gaabsaday Magaciisa.

Hadaba Waxaa Aynu Soo Qaadanaynaa Tusaale Aad Muhiim Inoogu Noqon Karaya kuna Aadan Adeegan Waalida Ah ee Zaadka Waxaana  U Baahan in hadii Aad Ku Heshiisaan Toban qof inaad wax ku Kala Iibsataan Dhagxaan oo aad lacag ahaan u isticmaashaan In Mid Kastaaba uu Dhagxaan Soo Guranayo Si uu Alaabta u qaato,Tusaale ahaan Kiish Sonkor Ah waxaa La Siinayaa 2 Dhagax Markaas Maadaama aanu dhagaxu Xadaysnayn Isla markaana Aanu Ahayn Nooc Gaar Ah Meel KAsta Waad ka helaysaa Waana aad Soo Guranayaa,Sidaas si La Mid Ah Adeega Elektarooniga ah ee Zaad Shirkada Telesom Iyada Lacagi Kama Baxdo Wax Soo Gala Mooyaanee Maxaa Yeelaya Kirada,Shidaalka,Laydhka,Mushaharaadka Shaqaalaha Iyo hawlaha Kale ee Shirkadu wado waxaa dhamaantood lagu Bixiyaa Adeega ZAAD kaasi oo Hada La Sameyey Maxaa Yeelay Cidina Ma Taqaan In Hada La SAmeeyey iyo In uu Hore u Jiray

laba qodob oo mihiim u ah Bulsho badan soo jiidan doontana, daahfurkan cusub ee in mudo ah aan ku dabo jirnay dhibaatada rakaadisay dhinacyada badan oo dhibaato baahsan lagu riday gudo iyo dibadba.

Dhibtaas oo markii in mudo ah iyo xogbadan aan ka helnay dhinacya badan oo ka soo jeeda dadweynaha Goboladan Somalilaand    dagan iyo sidoo kale dhibanayaasha ay ku dhacday hawsho, sidoo kale inta ay hada ku socoto ee aan loo meel dayin xag masuulnimo, xag bilaa’aadanimo iyo aakhiraba.

Carqaladan baahsan ee xarbul ahliga ah ee lagu wado dadyaw gaar ah oo hormood ka ah Goboladan, si loo rakaadiyo xaga cudoodooda dhaqaale ee kor u sii kacaya iyo korodhka aan caadiga ahayn ee xaga taranka iyo tirada guud.

Waxaa marag madoon ah dhibta intaa leeg ee umada lagu hayo aan cidna ka warqabin ee shaqsi kasta ah uu aaminsanyahay in ay kaligii ku koobantahay lalana qabin kuna sababta in ay gaadhsiiso dhib nafsi ahaaneed oo keenta isla hadal iyo waali aan caadi ahayn .

Aan ku bilaabo qodobka koowaad oo ah xaga qoysaska lagu sababayo burburka baahsan ee keenaya in lagu kala tago oo baabi’in qoys ah.

Akhristaw maskaaxdaada ayaad waydiinaysaa sida ay u dhici karto qorshahan intan leeg, waxa sababaya waxa aan u naqaano (Private Mobile/Hello Telefone) mobile ka gacanta iyo ka dibada laga soo garaaco oo la adeegsanaayo iyo shakhsiyaad gaar ah oo ka qayb qaadanaya fulinta qorshaha si uu midho dhal u noqdo.

Waxa la kala xidhayaa labada ruux ee qoyska ah is ayna u hirgalin xidhiidh toosan oo ay yeeshaan, kalsooni daro dhexdooda laga abuuro oo la xidhayo Number ka uu qofku isticmaalayo isagoon ogayn xagiisana Telephone ku shaqaynayo ayaa marka uu soo qaraaco qofku, qof kale u jawaabayaa haduu gabadh yahay qofka soo garaacayaa nin ayaa u jawaabaya, hadii wiil yahayna gabadh ayaa u jawaabaysa taas oo ah qorshe ka dhan ah.

Ta ugu badan ee dhacdada caadiga ah waxay tahay waqtiga uu qofku balanta leeyahay oo laga xidho Telephone ka isaga oo ogayn, halkaana qofkii isku waayaan oo dhib ka abuurmo waxana lala beegsadaa dhibtaas dadyawga firfircoon oo gaar ah si loo curyaamiyo naftiisa iyo hawshiisa niyad jabna loogu rido.

  labada dhinac mid istaag iyadoo mar kasta warar aan sad iyo raad lahayn laga dhex wado, sidoo kale waxyaabaha ay kuwada sheekaystaan ama ay ku balamaan marka Telephone ka ay kawada hadlayaan oo midba si dadbal loo soo gaadhsiiyo waxa ay kuwada hadleen ama ku balameen, markaa midba ka kale u arko qayru-masuul aan arin lahayn iyo balan laawe aan balan lahayn.

Sidoo kale shakhsiyaad la adeegsado oo loo isticmaalo qorshaha loo dhixmarayo si cad loogu badheedhaa arimaha oo geed gaaban iyo geed dheer u fuula hirgalinta hawshaas xataaa iyadoo ceeb iyo dhib ka soo gaadhayo.

Waxaana qorshahaas maal galiya shakhsiyaad ku nool dalka dibadiisa ayaa hormood ka ah fool xumadaas iyagoo adeegsanayaa isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM.

Aftahan News

A.B.Nuur

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargaisa/Somaliland