Xuutiyiinta Yemen oo Khasaare u geystay Maraakiib ay ku Weerareen Badda Cas

Yemen (aftahannews):- Xuutiyiinta Yemen,  ayaa aroornimadi hore ee Sabtida maanta sheegay in ay gantaal ku dhufteen Markab Shidaal siday oo marayay Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in Xuutiyiinta oo ah taageero ka hela Iran, ay saddex gantaal oo ah nuuca baalistiga ah oo ay kasoo tuureen gudaha Yemen, ku dhufteen markabka isla markaana ay markabka Andromeda Star soo gaartay waxyeello yar.

Milatariga Mareykanka waxay kaloo sheegeen, in gantaal kale uu ku habsaday markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha, balse aysan waxyeello kasoo gaarin gantaalka.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxya Sariic ayaa sheegay, in markabka ay duqeeyeen Andromeda Star uu watay calanka Panama isla markaana laga leeyahay dalka Britain, laakin xog kale ayaa sheegeysa in dhawaan markabka la iibiyay.

Markabkaasi, ayaa kasoo baxay Dekedda Primorsk ee dalka Russia, kuna sii jeeday magaalada Vadinar, ee dalka Hindiya.

Xuutiyiinta Yemen, ayaa wali wada beegsiga maraakiibta ganacsi ee maraya Badda Cas, iyagoo sheegay inay ku taageerayaan howlgaladooda Dadka reer Falastiin ee Israa’iil duqaymaha iyo xasuuqa ku wadaan tan iyo toddobadii October 2023-kii.

Hase yeshee, Xuutiyiinta ayaa muuujiyey awooddooda iyagoo weeraro carqaladayn ah ka gaystay Badda Cas oo ay bartilmaameedsadeen maraakiib ganacsi ilaa bishii Novermber iyadoo Maraykanka iyo UK ay ka hortageen.

Si kastaba ha ahaatee, iska hor imaadkan, ayaa saamayn weyn ku yeelanaya dhaqaalaha Adduunka, waxaanu si weyn u saameeyey Maraakiibta ganacsiga ee mari jiray marinka Bab-ülMandeb oo ay inta badan ka leexdeen Maraakiibtii mari jiray.