Reer Wajaale oo ka Gilgishay Dulmi iyo Dafiraad ay Shirkadda TELESOM kaga jawaabtay Khasaare Dhimasho oo Laydhkeedu geystay

Wajaale(Aftahannews):- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley, ayaa ka gilgishay tacaddi ay doonaysay inay kula kacdo Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ka dib markii ay diidday sida lagu soo warramay inay qaadato khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo uu sababay Laydhka ay Shirkaddaasi u shiddo oo uu xadhiggeeda oo dabaysani ku soo dul-dhacay shaqaale guri ka dhisayey magaaladaas.

telesom

Allaha u naxariisree waxaa ku geeriyooday markii shaqaalaha dhismaha uu ku soo dul go’ay xadhig laydh dabaysani  Faysal Cismaan Axmed, halka uu ku dhaawacmay nin kale oo shaqaalaha ka mid ah oo loola soo cararay Cusbitaalka magaalada Gabilay. Taliyaha Qaybta Boliska gobolka Gabilay Gaashaanle  Cabdilaahi Xasan Faarax, ayaa shabakada Gudgudenews.com u xaqiijiyay dhimashada Faysal Cismaan Axmed, isla markaana sheegay in nin kale oo dhaawac ahna lagu dawaynayo Cisbitaalka magaalada Gabilay oo loo soo qaaday.

Markii khasaarahaasi yimi ayaa la sheegay inay Masuuliyiinta Shirkadda TELESOM ee magaalada Wajaale ay diideen qaadashada khasaaraha dhimashada iyo dhaawaaca isugu jira ee uu sababay laydhkoodu, isla markaana waxa uu warku intaa ku daray in Masuuliyiinta Shirkaddu ay ku andacoodeen in laydhka dhimashada iyo dhaawaca keenay ee Shirkaddooda uu jaray Gaadhi Iskarogo ah, sidaa daraaddeedna ay  ku doodeen inaanay khasaaraha iyagu qabin. Hase-yeeshee, Ehalada Marxuumka geeriyooday iyo dadweynaha kale ee reer Wajaale, ayaa ka gilgishay dhiigga iyo dulmiga ay doonaysay Telesom inay xalaashato.

Dadweynaha reer Wajaale waxay diidmadooda shalay galab ku muujiyeen muddaharaad magaalada gilgilay, isla markaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku sheegayaan inaanay qaadannaynin duudsiga iyo xaq-darrada ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELELSOM kula kacayso ee ay ku diidaysay qaadashada khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca isugu jira ee Laydhkeedu sababay, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ka ahaa dhacdadaas.

Hase-yeeshee, Ciidammada Booliska iyo Wax-garadka Magaalada ayaa arrinta dhex-galay oo dejiyey dadweynaha ka gedooday tallaabada ay Telesom qaadday, isla markaana waxay kacdoonkaas awgii TELESOM aqbashay inay bixiso khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca isugu jira ee Laydhkoodu sababay, isla markaana waxay bixisay sida la sheegay Xabaala-qodkii Marxuumka geeriyooday oo ay Magtiisana bixinayso sida la sheegay.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabilay oo xalay la hadlay Gudgudenews, ayaa ka warramaya xaaladda kacdoonka iyo in la dejiyey markii dambe, waxaanu yidhi; “Way jirtaa oo xiisad,ayaa ka dhalatay markii nimankan shaqaalaha ah oo dhismaha ka shaqeeya iyagoo guri dhisaya uu xadhig laydh ku soo go’ay, isla markaana uu ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Marxuum Faysal Cismaan Axmed kuna dhaawacmay  Axmed Cismaan Aadan oo immika lagu dawaynayo cisbitaalka Gabilay.” 

Gaashaanle Cabdilaahi Xasan oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, waxaa gadooday oo xiisad abuuray ehelada Marxuumka geeriyooday uu ka dhashay taasoo magaalada qas galisay kana dhasheen waxoogaa rabshado ah,in kasta oo aanu qasaare ka dhalan hadana xaalad kacsanaan ah ayay magaalada ka abuurtay. Laakiin, immika waxaa arrinta gacanta ku haya oo ku hawlan dejinta Ehelada Marxuumka geeriyooday Booliska.”

Xaaladda magaalada Xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeya ku taalla ee Wajaale, ayaa lagu soo warramayaa inay maanta deggan tahay oo aanay wax dhibaato ahi ka taagnayn, ka dib markii ay Shirkadda TELESOM ee khasaaraha Laydhkeedu geystay dafirtay qasab ay ku noqotay inay aqbasho inay leedahay Masuuliyadda Khasaarahaas, isla markaana bixinayso dhibaatada dabkoodu keenay, ka dib markii ay dadweynahuhu muujiyeen awooddooda ay kaga soo horjeedaan dafiraadda iyo tacaddiga Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ku kacaysay. Waxaana Marxuumka Laydhka TELESOM ku dhegay la aasay maanta is-af-garashadaa ka dib.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.