Mulkiilaha Shirkadaha TELESOM iyo HORMUUD oo xayiraad Argagixiso ahaan lagu saaray laga qaaday

Muqdisho(Aftahannews):- Ganacsade Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo kamid ah Ganacsatada ugu waa weyn Dalka Soomaaliya ayaa Hay’ada Qaramada Midoobay waxa ay ka qaaday Xayiraad Dhinaca Dhaqaalaha iyo socdaalka oo mudo sanado ah saarnaa.

Ganacsadahan ayaa ahaa Milkiilaha Shirkadii Al-Barakaat ee bur-burtay, waxaana Xayiraad Dhinaca Dhaqaalaha iyo Socdaalka kusoo rogay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku eedeesay inuu xadhiidh la leeyahay Ururrada Argagaxisada loo aqoonsaay ee ay kooxda Al-Shabaab ka midka tahay.

Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo aadna ugu faraxsan yahay in laga qaado Xayiraadii saarneed Mudo sanado ah. Dowladda Soomaaliya ayaa gacan weyn ka geysatay in xayirraada laga qaado Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale. Ganacsadahan ayaa ka mida kuwa ugu weyn dalka Soomaaliya, waxa uuna saami badan ku leeyahay Shirkadaha Isgaadhsiinta ugu waaweyn Somaliland iyo Soomaaliya ee TELESOM iyo HORMUUD TELCOM.

Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa xayiraadda lagu soo rogay sannadkii 2001, xilligaas oo ay dhaceen Qaraxyadii Mataanaha ahaa ee ka dhacay Magaalada New York, waxaa sidoo kale la xayiray Shirkaddii Al-Barakaat oo uu Madax ka ahaa Sheekh Axmed Nuur, taasoo loo beddelay magaca ah TELESOM oo hadda ka shaqaysa dalka Somaliland.

Hase-yeeshee, dawladda Marayakanka oo Ganacsade Sheekh Axmed Nuur Jimcaale ku dartay Liiska argagixisada caalamiga ah, ayaan iyagu weli ka qaadin xayiraadda iyo cuna-qabataynta ay ku soo rogeen markii la qarxiyey Daarihii Mataanaha ahaa ee New York ee dalka Maraykanka sannadkii 2001-dii.

La Soco Xogo iyo Xaqiiqooyin faahfaahsan oo ku saabsan sababta lagu xayiray Ganacsade Jimcaale, sia Xayiraadda hadda lagaga qaaday, dawlada Maraykanka oo aan iyadu weli cuno-qabataynta ay xilligaas ku soo rogtay ka qaadin, sababaha ay weli uga qaadi la’dahay, kulan dhex-maray Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale iyo Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usama Bin Ladin, wakhtigaas oo uu Jimcaale weheliyey Nin Suldaan ah oo Saami ku leh Shirkadiisa TELESOM, Xogaas iyo kuwo kale oo badan ayay Qorayaasha Shabakadda Aftahannews, idiin soo bandhigi doonaan haddii Illaahay yidhaahdo ee la socosho wanaagsan Akhristayaal.

aftahaninc@gmail.com                             

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.