Mucaaridka oo iftiimiyey ujeeddada Safarka Madaxweynaha iyo Jawaabta Xukuumadda

“Runtii Xisbi ahaan waannnu soo dhawaynaynaa Safarkaa dheer ee Madaxaweynu ku marayo gobollada dalka, kollay annaga werwer badan baa naga hayey oo mugdi baana nagaga jiray cidda nala tartamaysa, Maanta-se….” Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa: Waraysi Gaar Ah

“illaa Shuruucda loo hoggaansamo, Safar sida Hillaaca oo kale ah oo Madaxweynaha iyo Wasiirradiisu magaalooyinka ku maraan iilama muuqdo mid wax badan soo kordhinaya..” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille: Waraysi Gaar Ah

Nuxurka Jawaabta uu Wasiir Waran-cadde ka bixiyey ujeeddada Safarka Madaxweynaha: Waraysi Gaar Ah

Hargeysa, 14, March, 204-(Himilo)- Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID, WADDANI iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey ujeeddada uu salka ku hayo Safarka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ku marayaan gobollada dalka oo bilaabmay badhtamaha toddobaadkii hore, waxaanay Xisbiyadu ku sheegeen Safar olole iyo Ismuujin ah, halka ay Xukuumadduna ku doodday inuu ka duwan yahay sidaas.

NEWS

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa, oo Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey sida ay Xisbi ahaan u arkaan Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ku marayeen maalmihii u dambeeyey gobollada Awdal, Selel, Saaxil iyo Gabiley, ayaa ku dooday inuu safarkani ula muuqdo mid olole aan wakhtigiisii la gaadhin uu ku bilaabay Madaxweyne Siilaanyo.

“Runtii Xisbi ahaan waannnu soo dhawaynaynaa Safarkaa dheer ee Madaxaweynu ku marayo gobollada dalka, kollay annaga werwer badan baa naga hayey oo mugdi baana nagaga jiray cidda nala tartamaysa maaddaama oo ay doorashadu soo dhawdahay. Laakiin, Safarkani wuxuu noola muuqdaa inuu yahay is muujin iyo olole uu ku jiro Madaxweynuhu, isla markaana uu taageero kaga raadinayo Shacabka reer Somaliland inay mar kale isaga doortaan, Xisbiga KULMIYE-na uu sidoo kale taageero ugu raadinayo. Safarkan uu hadda ku jiraa waa olole aan wakhtigiisii la gaadhin oo uu Madaxweynuhu bilaabay baan odhan karaa.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI Ibraahin Mahdi Buubbaa.

Marar badan ayey Xisbiyada Mucaaridka ahi ku eedeyn jireen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inaanu dalka loo doortay iyo dadka doortay ee uu Masuulka ka yahay ka war-haynin xaaladohooda iyo marxaladaha ay ku sugan yihiin oo uu iska fadhiyo uun Madaxtooyada. Sidaa awgeed, waa maxay maaddaama oo uu Madaxweynuhu fadhiga ka gacay oo uu xaaladda dalka iyo dadka si uu u ogaado u socdaalay sababta aad u safarkana ugu dhalliilaysaan inuu ku ololaynayo? Su’aashaas ayaan weydiiyey Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa.

“War ka hayntu maaha Safar lagu maro oo saacado iyo daqiiqado lagu taagnaado magaalooyinka ee xaqiiqda dhabta ah waxa looga baahan yahay inuu markasta la socdo oo ay Masuuliyiinta ugu magacaaban gobol kasta iyo degmo kasta iyo Wasiirradiisu ay si daacad ah oo xaqiiqada waafaqsan ula socodsiiyaan deegaan kasta iyo duruufta ka jirta. Waa in gobolkasta ay Xukuumaddu wax kala qabataa adeegyada aasaasiga ah ee ka jira sida dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo waxyaabaha la hal-maala. Laakiin, Safar dheer oo Baabuur badan la is-daba-geliyo xaqiiqda dhabta ah laguma ogaan karo.” Sidaa ayuu kaga jawaabay Afhayeenka WADDANI su’aasha kor ku xusan ee aan weydiiyey.

Xisbiga talada haya ee KUKLMIYE weli si rasmi ah umuu shaacin Musharraxa jagada Madaxweyne-nimo ugu tartami doona doorashada sannadka soo socda la filayo inay dalka ka qabsoonto. Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo-na ma sheegin inuu yahay musharraxa KULMIYE ugu tartamaya doorashada Madaxtinnimada mar labaad. Markaa, waa maxay xogta aad haysaan iyo dareenka aad ka qabtaan inuu Madaxweynuhu mar labaad Madaxweyne u tartamayo?

Su’aashaas ayaan weydiinnay Md. Buubbaa, waxaanu ku jawaabay; “Waa Run weli si rasmi ah Madaxweynaha iyo Xisbiga KULMIYE midkoodna uguma dhawaaqin Musharraxa, laakiin markaannu si siyaasi ah u eegno annagu WADDANI ahaan waxaannnu u aragnaa oo aamminsannahay inuu maanta Musharraxa dhabta ah ee KULMIYE yahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, mana qarsoona taasi ee si cad bay u muuqataa oo waadax ah, Safarkiisanina waa mid uu isku muujinayo caafimaad ahaan iyo awood ahaan inuu mar labaad jagada Madaxweynaha u ordi karo. Waanannu soo dhawaynaynaa WADDANI ahaan taas, waanay noo fiican tahay inuu mar labaad Madaxweynuhu tartamo, Safarkanna taageero buuran oo uu ku helayaa nooma muuqato.”

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, oo xalay Cabdifataax Mursal khadka taleefanka wax kaga weydiiyey sida uu u arko Safarka Madaxweynaha, ayaa sheegay inaanu qoonsanayn Safarkaas oo uu soo dhawaynayo, hase-yeeshee uu ka dhigan yahay Safarka Madaxweynuhu Kubbad aan garoonkii lagu ciyaari lahaa loo diyaarin oo kale.

“Anigu balaayo uma arko oo ma qoonsanayo Safarka Madaxweynuhu dalka ku marayo, waanan soo dhawaynayaa, balse waxaad la socotaan in Golaha Wakiilladu khilaaf ku xidhmay, waxaad la socotaan murannada Sharci ee dhinaca dhulka ee u dhexeeya hawlaha guud iyo dawladaha hoose, waxaad la socotaan inaanay wax doorasho ah oo la diyaariyey jirin, waxaad la socotaan wax badan oo dalka ka khadlan ee waliba dhinaca sharciyada u badan, Xisbil-xaakimka KULMIYE ayaa khilaafkiisa aynu ogeyn, cabbudhinta Mucaaridka lagu hayo iyo dimuquraaddiyadda aynu aragnaa ee kolba Tuulo laga hor-joogsanayo. Markaa, illaa ku dhaqanka sharciga iyo shuruucda loo hoggaansamo, Safar sida Hillaaca oo kale ah oo Madaxweynaha iyo Wasiirradiisu magaalooyinka ku maraan iilama muuqdo mid wax badan soo kordhinaya. Waxaanan leeyahay illaa inta sharciga lagu dhaqmayo guuli waa weli.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille.

Waxaanu Xildhibaan Qabille oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; ‘Inuu Madaxweynaha iyo Xukuumaddu iyagaa dadka iyo dalka ka masuul ahe ay u tagaan oo ay meel walba maraan waa muhiim, laakiin Safarkan Madaxweynuhu hadda ku jiro kama madhna arrin olole iyo ismuujin, waxaana la leeyahay muddo-kordhin aan waqtigeediba muuqan ayuu kalsoni uga raadinayaa bulshada. Hase ahaatee, muddo-kordhinta lafteedu haddii mid wax soo kordhinaysa ay tahay dhibaataba innagumay lahaateene, wax badan baa dalka ka qaldan oo dhaawici kara Qarannimada Somaliland iyo halka aynu higsanayno, waxaad ogtahay in diiwaangelintii hore la laalay, inaan mid dambe oo la bilaabay jirin, in doorashadii wakhti sannad iyo bilo ahi ka hadhsan yihiin oo doorasha la diyaariyeyna aanay innoo muuqan, Mucaaridkuna ay ku xiiqeen uun korodhsiimo aqbali mayno wax badan baa jira.”

“Sababta aan u leeyahay ismuujin baa Safarkan ku jirta waxa uu Madaxweynuhu sheegay inaanay jirin wax u diidaya inuu mar labaad Madaxweyne isaga sharraxo Xisbiga KULMIYE oo isaga laftiisu maanta kala daadsan sidaan u arko, hadal-haynta korodhsiimada iyo socodka dheer ee uu waqtigan bilaabay-ba waxay u muuqan karaan ismuujin sidaan u arko. Laakiin, taasi waxay ka dhigan tahay Kubbad aan loo diyaarin garoonkii lagu ciyaari lahaa, Sacabka iyo Mashxaradduna waa Muraayad isaga soo jiidan karta, laakiin dareenka dhabta ah ee Bulshada waxba kama beddeli karaan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille.

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu gaashaanka ku dhufatay tilmaamaha Xildhibaannada WADDANI iyo UCID ka bixiyeen ujeeddada Safarka Madaxweynaha Somaliland ku jiray maalmihii u dambaysay, isla markaana ku doodday mid sida ay u fasireen macno ahaan ka duwan.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah Weftiga Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ku sugan magaalada Berbera dhawrkii habeen ee u dambeeyey, ayuu Cabdifataax Mursal khadka taleefanka xalay wax kaga weydiiyey ujeeddada rasmiga ah ee Safarka Madaxweynaha iyo waxa uu kaga doodayo fasiraadda ah inuu yahay mid olole ah, waxaanu sheegay in Madaxweynaha iyo Weftigiisu Safarka ay ku jiraan yahay mid wax qabad ee aanu ahayn mid olole ama taageero gaar ah lagu raadinayo.

Waxaanu Wasiir Waran-cadde oo ka jawaabayey su’aasha ujeeddada Safarka Madaxweynaha laga weydiiyey uu yidhi; “Safarkani waa safar caadi ah oo Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu ku maro dalkiisa iyo dadkiisa inuu ku eego waxa ay ku nool yihiin iyo sida ay u nool yihiin, waxa ay tabanayaan iyo waxa ka dhiman. Runtii, waxqabad fara-badan oo la muujiyeyna wuu jiraa; jidkii Hargeysa – Boorama waa la furay, in yar oo ka dhiman oo ah inta u dhaxaysa Kala-baydh illaa Dila-na immika shaqadii waa laga bilaabay, qalabkii lagu dhisayey waddada Ceerigaabo-na waa ta la diray. Markaa waa Safar-hawleed, waxna lagu bilaabayo wixii dhammaystirnaana la furayo. Markaa, ujeeddada Safarka Madaxweynuhu waa inuu dalkiisa iyo dadkii eego, duruufaha ay ku nool yihiin iyo wax-qabad wixii loo qabtay iyo wax dhiman intaba.”

Mar la weydiiyey wax uu kaga jawaabayo aragti Axsaabta Mucaaradku Safarka Madaxweynaha ku tilmaameen inaanu wax-qabadka bulshadu ahayn gaadiid tiro badan iyo Wasiirro is-daba yaaca, waxa uu ku jawaabay, “Dhulkaa aannu marnay badankooda mashaariic baanu ka furnay, magaalooyin aanu u hoyannay way jiraan, Markaa Orod may ahayn oo magaalo aanaan ku hakan dhulkii aanu marnay ma jirto. ‘Waddanka gebigiisaba inuu Madaxweynuhu maro inta immika mashaariicda laga furayo weeyaan socdaalku ee maaha mid olole la xidhiidha, waqti ololena ma joogno.”

Xigasho Wargeyska HIMILO.