Tirada Dhalinyaro Walaalo ah oo Ku Dhintay Shil Gaadhi oo ka Dhacay Hargeysa iyo Aabbaha Dhalay oo ka Hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Saddex Dhalinyaro ah oo Walaalo ah, ayaa ku dhintay Shil Gaadhi oo ka dhacay maanta magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Gaadhi noociisu yahay Laangaruusal ku jiidhay dhinaca Koonfurta oo isla gudaha magaalada ah, waxaana Warbaahinta la hadlay Aabbaha dhalay saddexdaa Dhalinyarada ah oo saddexdooduba geeriyooday.

Haddaba, Shilkaasi siduu u dhacay, waxa uu ka yidhi Aabbaha dhalay Dhalinyaradaas oo Gabadh iyo laba Wiil ka koobnaa, isla markaana lagu kala sheegay da’dooda 19 sano jir, 15 jir iyo 13-jir, waxaa sidoo kale isna ka hadlay Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo sheegay inay gacanta ku hayaan Wadaha Gaadhiga jiidhay Carruurta.

Waxaannu Warkaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.