Somaliland Deegaan ka tirsan oo laga Cabsi Qabo Inuu Xarun u Noqdo Argagixisada

Ceel-dibri(Aftahannews):- Bulshada ku dhaqan deegaanka Ceel-dibri oo ka tirsan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, ayaa cabasho ka mujiyay xaaladda deegaanka Ceel-dibir oo ay sheegeen in haddii aanay Xukuumadda Somaliland ka soo gaadhin dhibaatada ka jirta ay isu beddeli karto xarun looga arrimiyo Argagixisada sida uu Aftahannews u sheegay Duqa Degeegaankaas.

map

Duqa Tuulda Ceel-dibri Xasan Jaamac oo xalay Khadka Taleefoonka kula soo xidhiidhay Weriye Maxamed Bashiir Nuur Giriig oo ka tirsan Weriyeyaasha Shabakadda wararka ee Aftahannews.com,  ayaa baaq u diray Xukuumadda Somaliland kana war bixiyay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaankaas.

“Buur dusheed ayaan kaala hadlayaa, waxaan ogeysiinayaa Xukuumadda Somaliland iyo bulshadeeda in deegaankan Ceel-dibri oo ka tirsan degmada Ceel-afwayne ay ka jirto dhibaato xun oo halis u ah nabadgelayda Somaliland, waa meel noqtay halka ay isgu yimaaddaan cid kasta oo gacan ku dhiigle ah, wa meel aanay dawladda Somaliland war ka hayn.” Sidaa ayuu yidhi Duqa Ceel-dibri Xasan Jaamac oo la hadlayey Aftahannews.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Meesha noogu dhow ee aad Somaliland Maamulkeeda ugu imanaysaa waxa ay noo jirta 70 km Ceel-afwayn ayay ka tirsan tahay ayaa la yidhaahdaa. Laakiin, Ceel-afwayn, iska daaye haddii aan immika laga hor-tagin dhibaatada ka jirta Ceel-dibri waxaan uga baqaynaa inay isu beddesho xarun looga arrimiyo nimanka argagixisada lagu sheego.” ayuu Aftahannews u sheegay Xasna.

Oday Xasan ayaa sheegay sababta ay isugu beddeli karto meel xarun u ah argagixisada deegaanka Ceel-dibri, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Meeshan Ceel-dibri waxay hooy u noqotay meel kasta oo Soomaaliyi degto cidda wax ku soo dishaa waxay isugu yimaaddaan Ceel-dibri, ma jogaan wax dawladda Somaliland ka tirsan. Nimankan gacan-ku-dhiigleyaasha ah nin kastaaba markuu labo sano joogo waxa uu tagaa dalka Yemen oo dhinca Xeebta nooga dhow inta ay Ceel-dibri joogaan waxay ka shaqaystaan Beenyada oo deegaanka ka baxda.”

Xasan waxa kale oo uu sheegay in intii ay jirtay meeshan Ceel-dibri aanay arag wax dawladda Somaliland ka socda haddii ay tahay Cafimaadka, Waxbarshada iyo Shaqasiyaad sheegta uun inay ka mid yihiin ama ka socda Xukuumadda Somaliland.

Duqa Ceel-dibri Xasan Jaamac oo Aftahannews ay wax ka weydiiyey Ceel-dibri muuqaal ahaan iyo istaraajiyad ahaan halka ay Somaliland kaga taallo waxa uu yidhi; “Ceel-dibri waxay ku taal Gobolka Sanaag siiba xagga Xeebaha ayay xigtaa waa deegaan Buuraley ah, Ceel-dibri waddo qudha ayaa laga soo gala waddana kama baxado.” ayuu Waraysiga Aftahannews uu siiyey ku soo gebo-gabeeyey Xasan Jaamac.

Duqa Tuulada Ceel-dibri waxa uu baaq u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi; “Ugu danbayntii waxaannu Xukuumadda Somaliland u gudbinayaa baaq ah inay naga soo gaadho Xaaladda adag ee ka jirta deegaanka haddii kale sida ay immika ku socoto waxay isu beddelaysaa meel looga arrimiyo Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, waayo? Cid kasta oo wax soo dishay waa joogta Soomaali iyo Carab.”

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.