Kooxda Al-Shabaab oo bilawday inay Kaadhadh Aqoonsi u Sameeyaan Odayaasha Deegaannada ay ka Taliso

AL-SHABAAB OO KAADHADH AQOONSI U SAMAYSAY ODAYAASHA DHAQANKA SHABEELLADA HOOSE JULY 2017

Awdheegle(Aftahannews):- Ururka Al-Shabaab, ayaa bilawday inay Kaadhadh Aqoonsi u sameeyaan deegaannada ay Kooxdaasi ka taliso, gaar ahaan Odayaasha gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya.

AL-SHABAAB OO KAADHADH AQOONSI U SAMAYSAY ODAYAASHA DHAQANKA SHABEELLADA HOOSE JULY 2017

Waxay Al-Shabaab Odayaasha deegaannada Shabeelladda Hoose qaarkood u qabatay  Siminaar lagu barayay Kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo waxbarashadaas ay u socotay muddo afar maalmood ah, kaddib la guddoonsiiyay Haddiyado ay ugu talo galeen Maamulka Al-shabaab ee Shabeelaha hoose.

Odayaasha, ayaa Siminaarkaasi waxaa uu uga socday Degmada Awdheegle ee gobolkaas, waxaana markii uu u dhammaaday ka dib halkaas kula dardaarmay Mas’uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab oo Odayaasha kula taliyay in aanay ka bixin ballamaha ay halkaas ku wada galeen.

Odayaasha oo laga kala keenay degaannada Shabeellaha hoose, ayaa gebogabadii munaasabaddaas la guddoonisiiyay Kaadhadh Aqoonsi ah oo Oday-dhaqameed kasta la siiyay Kaadhkii loogu talo-galay si uu nabad ugu maro deegaannada Al-Shabaab.

Kaadhadhka, ayaa waxaa ku qoran Magaca Odayga, da’diisa, Goobta ama degaanka, Jagada uu hayo  iyo Qabiilka uu ka soo jeedo, waxaana uu si cabsi la’aan ah ku joogi karaa degaannada ay Maamulaan Al-shabaab, sida ay Xubnaha Al-Shabaab u hadlay sheegeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.