Halalow iyo Hay Bookhan: Maxaad Ka Taqaannaa Magaalada Jinka ee Qardho? Daawo Hereri iyo Hooyga Jinka

HALALAW IYO HA I BOOKHAN GODKA JINKA OO KU YAALLA DULEEDKA MAGAALADA QARDHO EE PUNTLAND IYO WARBIXINTA CABDISALAAN HERERI 2017

Qardho(Aftahannews):- Weriyaha Cabdisalaan Ibraahim Hereri, ayaa Barnaamij ka diyaariyey goobaha Taariikhiga ah ee ku yaalla magaalada degmada Qardho oo ka tirsan gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland, halkaas waxyaabaha uu kula kulmay waxaa ka mid ahaa Godka loo yaqaanno Halalaw iyo Hay Bookhan oo ku yaalla duleedka Qardho, halkaas oo loo yaqaanno inay tahay Goob Jinku deggan yahay, Habeenkiina Iftiin ama Laydh ka baxo.

HALALAW IYO HA I BOOKHAN GODKA JINKA OO KU YAALLA DULEEDKA MAGAALADA QARDHO EE PUNTLAND IYO WARBIXINTA CABDISALAAN HERERI 2017
HALALAW IYO HA I BOOKHAN GODKA JINKA OO KU YAALLA DULEEDKA MAGAALADA QARDHO EE PUNTLAND IYO WARBIXINTA CABDISALAAN HERERI 2017

Barnaamijkan uu Weriye Hereri diyaariyey mar uu dhawaan Booqday deegaanno Puntland ka tirsan oo Qodho ka mid tahay, waxa uu ku maray goobo kale oo Qurux iyo Taariikh leh, isla markaana waxa uu Waraystay Maamulka Qardho iyo Dad kale oo uu Deegaanka kula kulmay mar Gurmad loo waday Dad Abaaraha ku barakacay Hay’ad uu la socday deegaannadaas gaadhsiisay, inkastoo ay dhawaan Roobaabku ka da’een Qardho oo ay Dooggan tahay, haddana waxay ka mid ahayd meelihii Dadka Abaaraha Somaliland ka dhacay ku barakacay u guureen.

Waxaannu Barnaamijkaas Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Universal TV iyo goobaha Taariikhiga ah ee Qardho iyo nawaaxigeeda ku yaalla ka diyaariyey oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.