Daynuunay(Afthannews):-Nin hubaysan,ayaa weerar ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Daynuunay ee gobolka Bay,halkaas oo uu mu dilay shan qof oo isku qoys ah.
Wararka ka imanaya deegaanka Daynuunay oo 23 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, ayaa sheegaya in shalay galab nin hubeysnaa uu deegaankaasi ku dilay qoys ka koobanaa shan qof.
sida ay ku soo waramayaan wariye-yaasha u soo warama Aftahannews.com ee ku sugan gobolka Bay Asgari ka tirsan Ciidanka Dawladda Soomaaliya,ayaa toogasho ku dilay shan qof oo isku qoys ah oo uu ku weeraray iyagoo ku sugan gurigooda.
Ninka dilka gaystay ayaa sida la sheegay weerar ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay, wuxuu bilaabay inuu tooogasho ku bilaabo qof kasta oo ka mid ah dadkii guriga ku jiray, waxaana goobta ku nafwayday oo isla markiia geeriyooday 4ruux halka qofka shanaadna uu u geeriyooday dhaawaca rasaastii uu ninka hubaysani ku weeraray qoyska ku sugnaa gurigooda ee masiiadu ku dhacday.
Dhinaca kale nin kale oo ka mid ah eheladda qoyska ninka hubaysani xasuuqay ayaa isla deegaanka Daynuunay lagu dilay in kasta oo aan illaa imika dilkaa cidna loo qaban agu xasuuqay qoyska dhan waxaa hadana deegaanka Daynuunay ka taagan xaalad kacsan oo laga dareemayo saansaan colaadeed.
Aftahnnews.com
Hargeysa Somaliland