Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inaanay Masuul ka ahayn ajaanibka Dalkeeda Jooga

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Soomaaliya,ayaa sheegtay inaanay masuul ka ahayn dadka ajaanibka ah eek u sugan gudaha dalka Soomaaliya ee aanay marka horeba ogayn goorta aya ymaadeen iyo waxa ay u socdeen.

Sii-hayaha  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha  Soomaaliya, Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil, ayaa warbaahinta u sheegay in ajaanib fara badan oo aan la ogeyn howlaha ay dalka ka hayaan iyo xilligay  yimaadeen ay ku sugan yihiin Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ka tirsan,kuwaasoo uu sheegay inaanay masuul kahayn dhibaato kasta oo soo gaadha.

“Ajnabigii ay dhibaato ku dhacdo oo aan diiwaan-gashanayn wixii ku dhaca dowladdu mas’uul kama ahan, waayo dalkan waxaa yimaada ajaanib aan la ogeyn howlaha ay u socdaan, kuwaasoo qaarkood aan fiisooyin qaadan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland