Siyaasadda cusub ee Midowga Yurub oo muujineysa gumeeysiga lala doonayo Soomaaliya (Video)

Siyaasadda cusub ee Midowga Yurub oo muujineysa gumeeysiga lala doonayo Soomaaliya (Video)

171

Muqdisho (RBC Radio) Midowga Yurub ayaa mar kale muujiyay sida uu ku doonayo gumeysiga cusub ee Soomaaliya,kaddib heshiis ay kula wareegayeen dhul laga siiyay xerada Xalane oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda Muqdisho.

Heshiiskan waxuu ka hor imaanaya qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah ee u degsan xuquuqda aadanaha iyagoo qorshaha ka saaray in dadka Soomaaliyeed ay ka shaqeeyaan xaruuntaasi; arrin u eg dib usoo celintii gumeysiga laga xoroobay 1960 kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa si bilaash ah u siisey Midowga Yurub dhul ku yaalla caasimadda Muqdisho si ay ugu dhistaan xarunta ay ku yeelan doonan dalka,haddaba sida ay xaqiijiyeen warbaahinta madaxa bannaan ee Dalsoor oo heshay xog qarsoodi ah oo la xiriira qoraalladii heshiiska; waxaa heshiisyada dowladda Soomaaliya lala saxiixay ku cad qodob kamid ah.

Qodob-u-eg-gumeysiga

“Qandaraasluhu ma shaqaaleysiin karo qof haysta dhalashada Soomaali ama isirkiisu yahay Soomaali, goobtaasna adeeg kama bixin markuu dhismuhu dhamaado kadib”

Waxuu la micno yahay qodobkan,marba haddii uu isir Soomaaliyeed leeyahay in goobtaas uusan ka shaqayn karin haddii xita uu wato baasaboor dal kale oo shisheeye. Waardiye, nadhiifiye xitaa shaqaale guud kama noqon karo.

Waxaa saxiixay heshiiskan iyo qodobka Soomaalida u diidaya xarunta,madaxweynaha talada haya ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud,waxuuna markii uu heshiiska saxiixay sheegay in heshiiskani yahay mid Soomaalida ay ka faa’iidi doonto mashruucyada Midowga Yurub sida xaruunta cusub ee ay dhisan doonaan,lakin su’aasha cusub ayaa ah fa’iidada Soomaalida ay helayaan ma sidan baa?Qareen-Axmed

Axmed Cali Khayre oo ah qareen caalami ah ayaa sheegay in Midowga Yurub ay burinayaan heshiisyada ay ku dhisantahay hay’adda ee uu ugu dambeeyay kii Lisbon oo ugu horreeyo in la ilaaliyo qawaaniinta caalamiga ah, qodobkiisa kalena yahay in dadka aan la kala saarin oo la ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

“Haddii la leeyahay qof Soomaali ah kama shaqayn karo halkaas, waxay si cad ooga hor imaanaysaa qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa Yurub,” ayuu yiri qareen Axmed.

Waxuu inta ku darey qareenka inay tahay mid aan la aqbali karin in la qiro qofka hadana dalkiisa jooga oo ay tahay mid aa xita horey loo arag kadib xilliyadii gumeysiga loona baahanyahay in laga hortago.

Dhinaca kale, warbaahinta madaxa banaan ee xogtan soo bandhigtay ayaa sheegtay in Midowga Yurub ugudbiyeen eedeymahaasi iyagoo aan wax jawaab ah soo gudbinin.

Arrintaan waxaa ay ku oo beegmeysa xilli wali uu dalka ku jiro dagaallo soconaya muddo ka badan labaatan sanno oo salka ku haya qabyaalad iyo faragelin shisheeye,waqtigan la xoogana waxaa ka socda dalka dagaallo ay wadaan ururka al-Shabaab.