Kenya oo Somalia ka Codsatay inay uga hadho Kursiga Bariga ee Midowga Afrika

Nairobi (aftahannews):- Dowladda Kenya, ayaa bilowday wadahadallo ay Soomaaliya kaga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho Musharraxnimadeeda Guddiga Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u taageerto Raila Odinga oo Kenya u sharraxan.

Kenya, ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay, intii lagu guda jiray kulan Talaadadii May 7, dhexmaray Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo ku sugan Nairobi.

Kenya waxa ay sheegtay inay u ololeyneyso in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fawzia Xaaji Aadam, sida uu sheegay Dr. Sing’oei oo ah Xoghayaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya.

Sarkaalkan ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay taageerto codsiga Kenya.

Dr. Sing’oei, waxa uu sheegay in Kenya ay ka go’an tahay in heshiis laga gaaro cidda ku habboon in ay matasho gobolka Geeska Afrika oo hoggaamin doona Midowga Afrika.

Haseyeeshee, dhanka Soomaaliya kama soo bixin war la xidhiidha dalabka Kenya ee Kursiga. Xoghaye Songo’oei,na ma sheegin jawaabta ay Soomaaliya ka bixisay codsiga Kenya inay diidday iyo inay aqbashay toona.

Kenya ayaa sidoo kale qorsheynaysa wareeg kale oo wadahadal ah oo ay la yeelato Jabuuti, oo horraantii Abriil ku dhawaaqday musharraxeeda guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf.

Warkan kasoo baxay Kenya, ayaa kusoo beegmay, ka dib markii Soomaaliya ay sheegtay inay taageero ka haysato Ururka Iskaashiga Islaamka, oo ah urur ay ku jiraan in ka badan 27 dowladood oo Afrikaan ah.