IGAD oo Biyo Waraabinaya Daamaha Wajaale iyo Farriimaha Ethiopia iyo Somaliland

Wajaale (aftahannews):- Urur-goboleedka IGAD oo hirgelinaya mashruuc biyaha dhulka hoostiisa lagu soo saarayo oo la qorsheeyay in wax lagaga qabto baahida biyo-yaraanta ee dalalka ku midoobay IGAD, ayaa qayb ka mid ah laga fulinayaa dowlad-deegaanka Soomaalida.

Wafti ka socda dalalka Urur-goboleedka IGAD ku Midoobay oo aanay ku jirin xubnaha Soomaaliya iyo Suudaan, ayaa shalay soo gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida, waxaanay qayb ka mid ah mashruuca ka mid ah laga fulinayaa degmada Shabeelley, halka maantana ay yimaaddeen degmada Tog-wajaale ee xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo ay ka socoto hawsha qayb ka mid ah mashruuca soo saarista biyaha dhulka hoostiisa oo ay ku baxayso lacag dhan 490 Milyan oo Bir.

Waftiga IGAD, ayaa ka koobnaa Wasiirro ka socda dalalka Ururka ku midoobay ee Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaanta Koonfureed, waxaase ka maqnaa Soomaaliya iyo Suudaan. Waxa waftigan soo gaadhay oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ay Wajaale ku kulmeen Wafti ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed,.

Isqaabbilaad iyo soo dhawayn waftiyadu Shacabka magaalada kala kulmeen ka dib, waxa waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo farriin u diray Urur-goboleedka IGAD ahayd inay ballaadhiyaan hawsha biyaha la soo saarayo oo ay gaadhsiiyaan deegaannada xuduudka ay Somaliland iyo Dowlad-deegaanka, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo mashruucan Biyaha ee IGAD maalgelinayo. 

Wasiirka Biyaha Itoobiya Eng Habtamu Itafa, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay ujeedkooda iyo sida Biyaha looga wada faa’iidaysan doono. Waxaanu sheegay in mashruuca biyaha ee Wajaale ka wada faa’iidaysan doonaan bulshada Wajaale ee labada dhinacba.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa gebabadii sheegay in mashruucan Biyaha ay filayaan in 3 bilood ka dib uu dhammaystirmi doono, isla markaana ay ka wada faa’iidaysan doonaan bulshada reer Wajaale ee labada daamoodba.