Muhaajiriin Soomaali u badan oo laga Siiddaayey Liibiyaan haystay

Libiya (aftahannews):- Illaa 200 Muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Haween iyo Carruur, ayaa laga sii daayay magaalo ku taalla Koofur-bari Libya oo lagu heystay, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ciidammada dalkaasi.

Walid Alorafi, oo ah Afhayeen u hadlay Waaxda Baaritaanka Dembiyada (CID) ayaa isagoo ku sugan Benghazi sheegay in sida ay kasoo xigteen qaar ka mid ah muhaajiriinta, qafaal ahaan loo heystay muddo toddoba bilood ah ayna “doonayeen inay aadaan Yurub.”

Muhaajiriintan ayaa kasoo jeeda dalal dhowr ah oo ku yaalla kuwa ka hooseeya Saxaraha Afrika, balse badankood waxay kasoo jeedaan Soomaaliya, sida uu sheegay.

“Waxaanu xalay weerar ku qaadnay meel qarsoodi ah oo ku taalla tuulada Kufra waxaana aragnay muhaajiriin ay ku jiraan haween, carruur, iyo rag da’ ah oo ay ka muuqdeen calaamado jirdil iyo rasaas,” ayuu yiri Alorafi.

“Muhaajiriinta ayaa dhammaantood loo gacan geliyay hay’adda ka hortagga tahriibka sharcidarrada ah si loo marsiiyo hannaanka,” ayuu yiri Alorafi.

CID ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaalka ciidamadooda oo burburinaya guriga lagu hayay muhaajiriinta. Muuqaalka kale ayaa waxaa ka muuqday qaar ka mid ah muhaajiriinta oo ay jirkooda ka muuqdaan calaamado. Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa la arkayay iyadoo shaqaalaha gargaarka ay saarayaan ambalaas.

Muhaajiriinta qaar’ “xaaladdooda caafimaad aad ayay u liidataa,” ayuu yiri Alorafi.

“Muhaajiriinta waxaa u badan Soomaali”

Xogahayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee Libya Ibrahim Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo badbaadiyay koox loo yaqaanno ‘Magafeyaal’.

“Tirokoob rasmi ah ma jiro sababtoo ah weli hay’adaha ma gaarin halka laga soo badbaadiyay welina waxay ku jiraan gacanta laamaha ammaanka, welina waan ku daba jirnaa inaan helno tirokoob sax ah,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in dadkan haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada welise aan la ogeyn halka dhabta ah ee lagu hayo.

Muhaajiriintan ayuu sheegay inay u badan yihiin haween, ayna jiraan weli dad kale oo ku xiran goobo kale oo Libya ka mid ah.

“Waxaa nala soo xiriira waaliddiinta muhaajiriinta oo ina siiya nambarradooda annagana waxaan u gudbinnaa laamaha ammaanka si dadkaas loo soo badbaadiyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in hore sidan oo kale loo soo badbaadiyay tahriibayaal ah heysteen kooxdan.

Kufra waxay ilaa 1,712 kilo mitir (1,064 meyl) u jirtaa caasimadda Tripoli.

Libya ayaa marin u noqotay muhaajiriinta ka qaxeysa dagaalka iyo saboolnimada ee u socda Yurub iyagoo sii maraya marin halis ah oo saxaraha ah iyo badda Mediterranean-ka kadib markii xukunka laga tuuray Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

Dhaqaalaheeda ku tiirsan shidaalka ayaa soo jiita muhaajiriinta raadinaya shaqo.

Libya oo shidaalka qani ku ah waxay hoy u tahay 704,369 muhaajiriin ah oo heysta 43 dhalasho, sida ay muujineyso xog laga soo ururiyay ilaa 100 deegaan oo Libya ku yaalla bartamihii sanadkii hore, sida ku xusan xogta QM.

Bishii March, Hay’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta ayaa sheegtay in ugu yaraan 65 meydadka muhaajiriin ay CID kasoo saareen xabaalo-wadareed ku yaalla koofur-galbeed Libya.

“Waxaan ku baaqayaa iskaashi goboleed oo dhab ah si loo hubiyo badqadka muhaajiriinta,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee QM Abdullah Bathily oo bishan dhexdeeda hadal kooban ka jeedinayay Golaha Ammaanka.

Bathily, oo is casilaaddiisa u gudbiyay Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, ayaa yiri “wararkii dhowaan kasoo baxay Sabha waxay muujiyeen sida naxdinta leh ee loola dhaqmay muhaajiriinta la heysto, taasoo ka hooseysa baahida degdegga ah ee loo qabo in xukuumadda Libya ay tallaabo u qaaddo wax ka qabashada silaca ay dadku maraan.”

Xigasho BBCSomali.com