Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Doorashooyinka iyo 33-guurada Qaranka

Hargeysa (aftahannews):- Qayb ka mid ah khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey Xuska 18ka May 2024, gaar ahaan qodobbo la xidhiidha doorashooyinka sannadkan dalal ka qabsoomi doona iyo 33-guurada buuxsantay sannadkan.

“Doorashooyinka:
Sannadkan xuska munaasibadda 18 May waxay ku soo beegmaysaa xilli aynu u diyaar-garoobayno doorashooyin.

Doorashaduna waxay leedahay culays dhaqaale, nabad-gelyo iyo mid farsamo.

Waa sunnaha nolosha in tartan kasta oo la galo ay cid uun guushu raacdo. Sidaa darteed, waxaan ku talinayaa in tartanka Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasaddu ay galayaan in uu noqdo mid hufan oo ay ka muuqato xil-kasnimo, waayo-aragnimo iyo qaan-gaadhnimo siyaasasdeed, isla markaana laga hor-mariyo danta Qaranka danta gaarka ah.

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa in ay codkooda ku doortaan cidda iyo Xisbiga ay u arkaan in uu dalkan iyo dadkan Qarannimadooda iyo xornimadooda meel marin karo.

Doorashooyinka Somaliland waxay leeyihiin culays dhaqaale, culayskaa badankiisuna waxa uu ku dhacaa Xukuumadda.

Sannadkan waxa la qorsheeyey in ay doorashooyinku innoogu kacaan kharash lacageed oo gaadhaya 162 Bilyan SL Shilling ah.

Sidaa daraadeed shacabka Somaliland waxaa aan leeyahay, muwaadin codkaaga ku taageer cidaad u aragto in ay himilo iyo higsi dheer u leedahay horumarinta Qaranka.

Doorashada aynu miyirqab, dal jacayl, bisayl siyaasadeed turxaanta oo aynu ka ilaalino, haddii la tartamana wax kasta oo la ciyaarayo laadhuuna ha ahaatee laba qof ma wada guulaystaan oo hal qof uun baa guulaysta, maaddaama oo guddoomiyihii iyo murrashaxii xisbiga WADDANI ay fadhiyaanna waxan leeyahay Cabdiraxmaan maanta aniga iyo adiguba hadba keenna laga helaa ha hanniyeeyo oo buuq dambe yaanu jirin, qoodhina fagaaray ku wada hadashaa oo maanta dadkoo dhammi way ina maqlayaan.
Mudanayaal iyo Marwooyin

Muddadii uu jiray Qarankani, wuxuu ku tallaabsaday guulo aad u waaweyn. Horumarkaa iyo Guulahaa uu gaadhay Qarankeenu Bulshada Caalamku wax la sheego oo macno leh kumay taageerin, balse shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo gude iyo dibedba isku-tashaday ayaa dhexda u xidhay in ay guul gaadhaan, waanay hirgaliyeen guulo la taaban karo.

Tusaale ahaan:

• Waxa aynu ka heshiinay dhammaan colaadihii iyo dhibaatooyinkii Dawladdii Siyaad Barre kala dhex-dhigtay Shacabka Somaliland ee xigto iyo xigaalba leh.

• Waxaynu dhisnay Ciidan Qaran oo midaysan oo saldhig ay u yihiin halgamayaashii SNM.

• Waxa aynu dhisnay nabad guud oo gobollada Somaldiland oo dhan ku fidday.

• Waxaynu dib-u-dhisnay dhammaan haykalkii Maamul iyo Dawladnimo ee Dawlad looga baahnaa. Maantana Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran 33 jirsaday oo leh ciid, calan, ciidan, cumlad, cuud iyo cuddud aan la soo hawaysan karin.

• Waxa aynu dib u dhisnay dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha dalkeenna ee sida kaska iyo maanka ah la innooga bur-buriyey.

• Waxa aynu yeelannay Dastuur Qaran oo in ka badan 97% Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku ansixiyeen sannadkii 2001-kii, waxaanan halkaa kaga guurnay Axdi Qarameedkii aynu ku soo caano-maalnay ee lagu soo bilaabay maamulka Dawladnimo 1993-kii.

• Waxa aynu dalkeena ka dhignay dal Dimuqraadi ah, leh Axsaab badan, isla markaana qabsaday doorashooyin xor iyo xalaal ah oo mararka qaarkood lagu kala badiyey 80 Cod oo kaliya, hadda maaha 80,000 oo Cod.

• Waxa aynu qabannay 8 Doorasho oo si nabad ah xilka loola kala wareegay iyo Aftidii Dastuurka.

• Taasina waxa ay innaga dhigtay in aan horseed u noqonno dimuqraadiyada Xisbiyada badan ee Gobolka Geeska Afrika iyo dalal badan oo adduunka ah intaba.

• Waxa aynu soo jiidannay Maal-gashiyo Shisheeye iyo saaxiibo dhaqaale xoog leh ku aammina dalkeenna, sida; maal-gashiga ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedka Magaalada Berbera.

Waxan aad iyo aad u hambalyeynayaa ciidamada qaranka meel kasta oo ay joogaan, waxan ciidamada oo dhan aad ugu hambalyeynayaa halka ay dalka ugu jiraan marka la isku wada daro sida Badda, amniga, difaaca iyo socdaalka.

Dhammaanba shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba waan hambalyeynayaa, wixii aynu qabsannay, wixii inaga dhiman inaynu qabsanno uun baa inoo taalla, waxana aan ku talinayaa inay dadkeennu ka baxaan odhaahda ah hannala caawiyo, waxana aan doonayaa Somaliland aan tuugsanayn oo tacbanaysa, adduunyadana waynu la tartamaynaaye baryi mayno.” Sidaa ayuu ku yidhi qaybtan aynu ka soo qaadannay khudbaddiisa Madaxweyne Mustafe Biixi.