Kenya iyo Somalia oo Heshiisyo kala Saxeexday Heshiisyo qaarkood hore u dhexmareen

Nairobi (aftahannews):- Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta magaalada Nairobi ee caasimadda ah ku kala saxiixday heshiisyo dhinacyo badan taabanaya uuna ugu h

orreeyo amniga.

Magaalada Nairobi oo uu maanta gaaray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa uga sii horreeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo koox aqoonyahanno ah oo diyaarinayay heshiisyadan.

Shirkii saddexaad ee Guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiisyadan.

Heshiisyada ay labada dhinac kala saxiixdeen

Afar heshiis ayay kala saxiixdeen labada wadan, kuwaas oo kala ah:

1-Heshiis dhinaca amniga ah, gaar ahaan mid khuseeya la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada

2-Heshiis dhinaca ganacsiga ah, kaas oo Soomaaliya ay door bidayso in badalka qaadka Kenya u dhoofiso Soomaaliya, Iyana badeecaddo kaluunku kamid yahay gayso suuqyada Kenya.

3-Heshiis dhinaca Socdaalka ah, si gaara sidii loogu fududeyn lahaa muwaadiniinta labada wadan dal ku galka. Soomaaliya ayaa aad u daneyneysa in muwaadiniinteeda si fudud lagu siiyo dal ku galka Kenya.

4-Heshiis Waxbarashada iyo Caafimaadka la xiriirra.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa sheegay in xubno wasiirro iyo aqoonyahanno isugu jira oo ka socda Soomaaliya ay joogeen kenya, isla markaana ay kala shaqaynayeen xubno ka tirsan Dawladda Kenya dhiraandhirinta heshiisyada ay labada wadan doonayaan in ay gaaraan.

‘’Labo ujeeedo ayuu safarkeenu leeyahay, mid kan dee rasmiga ah ee labada dawladdood kuwada hadlayaan, ugana wada hadlayaan waxyaabbaha danta u ah labada dal ee walaallaha ah ee dariska ah, waxan filayaa in ay maalmahan joogeen dad farsamo yaqaano ah oo labada dhinac, kaddibna wasiirradii baa ku soo biiray, maantana anaa ku soo biiray, waxan rajeynayaa in shaa Allah heshiisyo dan u ah shacabkeena, labada shacab iyo labada dawladdood iyo gobolka oo dhan aan ku soo gabagabeyno’’ ayuu yiri Xamse

Xamse Cabdi Barre waxa kale oo uu sheegay in wadashaqeynta labada dhinac ay sii socon doonto.

‘’Way noo sii socon doonaan, guddi isku xiran oo heer wasiir ah oo shaqeeya oo mar walba isu yimaada ayaa jiri doona, kaas ayaana la hirgalinayaa, haddana ay shaqadiisu socotaa,’’ ayuu yiri Raiisul Wasaarruhu.

Maxay u fuli waayeen heshiisyadii hore?

Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiisyo kala duwan tobankii sano ee u dambeeyay.

Heshiisyadaasi waxa kamid ahaa kuwa dhinaca amniga khuseeya; kuwa ganacsiga iyo socdaalka la xiiirra.

Inta badan ma fulin heshiisyadaasi. Sababbaha loo aaneeynayo waxa kamid ah hay’addaha dawladda Soomaaliya oo wali ku jira koritaan, diiwaanka heshiisyadaasi oo aan la dhigin halkii saxda ahaa, iyo isbadallada ku dhaca xukuumaddaha oo keenta in mid kasta, gasho heshiisyo hor leh, iyada oo aan dib u eegin heshiisyadii hore ee xukuumaddihii ka horreeyay galeen.

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC-da, isagoo ka faa’iideysanaya xog-ogaalnimada uu u leeyahay xiriirka labada wadan, iyo heshiisyadii hore loo galay ayaa ku sheegay fulin la’aanta heshiisyadii la gaaray ee labada dhinac, mid inta badan ka hirgali waayay dhinaca Soomaaliya.

‘’Waxa ay u fuli waayaan inta badan labo sababbood; midda ugu weyn waxa weeye, tabardarida hay’addaha dawladnimo ee Soomaaliya, oo aan lahayn awood aynu kaga faa’iideysano fursadaha na soo mara iyo raad raac aan ku sameyno ama diiwaan xukuumad, xukuumad kale u gudbiso aysan jirin, taasi waa sabab ayuu yiri Mudane Cawad’’.

Rajo intee la ek ayaa laga qabaa inay heshiisyadan fulaan?

Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,OPM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay “in rajo fiican laga qabo inay fulaan heshiisyadan.”

“Rajo weyn baa la qabaa waana fulayaan, waxaana hadda loo qabtay in ilaa bisha Oktoobar arrintaasi in lasoo dhammeeyo, oo guddiyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan Kenya ay hoggaaminayaan ay is dhaafsadaan, kaddibna arrintaasi ilaa Oktoobar bay soo dhammeystiranto,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay inay tahay waa cusub oo xiriirka labada dal u baryaya, kaasoo uu sheegay in mararka qaar uu wanaagsanaa mararka qaarna dhowr sano kahor uusan wanaagsaneyn.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in “haatan Soomaaliya iyo Kenya ay diiradda saareen in cilaaqaadkooda la hagaajiyo, ayna ku dhisnaadaan si ay maslaxaddooda ku jirto,”.

“In cilaaqaadkaas ay noqdaan kuwo labada dhinac ah, oo aysan noqon mid dhinac u foorarta, oo waliba Soomaaliya oo hadda kasoo kabsatay dagaalladii oo aan awal miisaskii caalamiga ah si fiican u fadhiisan karin hadda ay soo fadhiisaneyso oo ay diyaar u tahay xiriirkii iskaadhiga dowladaha caalamka la hagaajiyo sida hal ku dhiggii dowladda ee (Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah)” Ayuu yiri wasiir Fiqi.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya dhexmaray xiligii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata

Arimaha kale ee loo aaneynayo fulin la’aanta heshiisyadii hore waxa kamid ah khilaafkii labada wadan dhexmaray, xiliyadii ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyata, kaas oo mar gaaray meeshiisii ugu sareysay.

‘’Sanadihii la soo dhaafay, khilaafkii annaga iyo Kenya noo dhaxeeyay oo badda ku saabsanaa iyo arimo kale oo siyaasadeed oo xiriirkii annaga iyo Kenya xumeeyay, iyaduna waxa ay dibu dhac ku sameysay horumarkii laga gaari lahaa iskaashiga inoo dhaxeeya’’ ayuu yiri Wasiir hore Axmed Ciise Cawad.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda soo hagaagayay tan iyo markii labadii Madaxweyne hore ee dallalkaasi xafiiska banneeyeen, yimaadeenna Xasan Sheekh Maxamuud iyo William Ruto, kuwaas oo dhawr jeer oo hore yeeshay kulamo fool ka fool ah oo lagu xoojinayay xiriirka labada wadan, oo dhaawaca ugu weyni uga yimid khilafkii xuduudda badda ee markii dambe ay go’aanka ka gaaratay Maxakmadda Caalamiga ah ee dunida.

Lama oga sida ay fuli doonaan heshiisyada la filayo in Kenya iyo Soomaaliya gaaraan, maadaama dhawr heshiis oo hore loo gaaray aanay waxba ka soo naasa caddaan.