Nuxurka Qodobboda laga Hadlay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka Furmay

Muqdisho (aftahannews):- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Shirkan, oo uu Guddoomiye Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hir-Shabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, shirka ayaa lagaga hadlay, waxaana lagu yidhi; “xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka dastuurka dalka.”

Shirkan waxaa ka maqan Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo khilaaf ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland oo madaxdiisu hore u sheegeen inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta laga dhammaystirayo dastuur ay Puntland qayb ka tahay aftina loo qaadayo.

Kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay dhowaan wax ka beddel ku sameeyeen qaar ka mid ah qodobada dastuurka, mas’uuliyiinta Puntland waxay sheegeen inay aqoonsigii kala laabteen hay’adaha dawladda federaalka.

Shirkan ayaa lagu waday inuu dhaco bishii hore hase yeeshee dib loo dhigay. Wadahadallada ayaa imanaya xilli ay waddanka ka taagan yihiin kala-aragti duwanaansho ku saabsan wax ka beddelka dastuurka, dagaalladii ka dhanka ahaa al-Shabaab oo u muuqday in xooggoodii hakaday, iyo xaaladda bani’aadannimo oo laga cabsi qabo inay sii xumaato fatahaadaha darteed.

“Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka Dastuurka dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan oo aan la shaacin muddada uu socon doono, ayaa la filayaa gebagabadiisa in madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ay soo saaraan War-murtiyeed xambaarsan go’aammo kala duwan.