Urur-goboleedka IGAD oo Biyo Soosaar ka Samaynaya Dowlad-deegaanka Soomaalida

Jigjiga (aftahannews):- Degmada Shabeeleey ee duleedka magaalada Jigjiga, ayaa maanta laga daah-furay mashruuc uu fulinayo urur goboleedka IGAD oo loogu magac-daray ‘mashruuca horumarinta biyaha dhulka hoostiisa.

Shabeelley waxaa saaka tegay wasiirrada biyaha ee waddamada IGAD oo aanay ku jirin Soomaaliya, Masuuliyiinta Deegaanka Soomaalida oo uu horkacayay Madaxweyne Mustafe iyo madaxda hay’ado caalami ah oo ka hawlgala Itoobiya.

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Biyaha iyo tamarta Itoobiya Engineer Habtamu Itefaan oo ay wehelinayaan wasiirrada biyaha ee waddamada Uganda, Kenya, South Sudan iyo Djibouti, ayaa waxa garoonka diyaaradaha kaga hor tegay Madaxweynaha deegaanka Soomaalida.

Waddooyinka gudaha magaalada Jigjiga ayaa xalay lasii xidhay, sidoo kalena waxa la joojiyey baabuurta kale ee ka imanaysa magaalooyinka kale in ay soo galaan gudaha magaalada Jigjiga muddadii ay wefigu u dhaafayeen dhinaca degmada Shabeeleey oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo ka hadlay munaasibadda dhaahfurka mashruuca ‘horumarinta isticmaalka biyaha dhulka hoostiisa’ oo lagu qabtay Shabeeleey ayaa sheegay in intii ka dambaysay isbeddelka oo uu ula jeedo muddadii lixda sannadood ahayd ee uu xilka hayey, in ay xoogga saareen in kor loo qaado heerka daboolka biyaha oo ay gaadhsiiyeen illaa 47%, inkasta oo wali magaalooyinka waaweyn eee ay ugu horreyso Jigjiga oo caasimadda deegaanka ah laga cabanayo biyo la’aan oo inta badan magaalada ay gaadhi dameer biyaha ka dhaansadaan.

Weftigan oo sidoo kale booqday kaydka 2aad ee biyaha Jigjiga iyo ceelal biyood oo la qodayey, ayaa waxa qado loogu sameeyey Dhagaxle.

Dhinaca kale, darawallo ku sugan magaalada Jigjiga oo lasoo xidhiidhay telefishanka Karamardha ayaa sheegay in muddo shan saacadood ah lagu hayey duleedka magaalada Jigjiga iyaga oo siday khudrad, caano iyo jaad oo loo diiday inay soo galaan gudaha illaa gelinkii dambe.

Sidoo kale, waxa xayirmay dadkii baabuurta ugu safri lahaa magaalooyinka kale ee deegaanka kaddib markii gellinkii hore oo dhan la joojiyey dhaqdhaqaaqa baabuurta, halka bajaajta gudaha magaalada Jigjiga ka shaqaysatana xalay lagu sii wargeliyey in aanay dibedda u soo bixin gelinkii hore ee maanta.