Daawo Aqoonyahanno Ajaanib ah oo Luuqadda iyo Suugaanta Soomaalida ka dhiga Jaamacado Dunida ah

Aqoonyahanno Afka Soomaaliga Jaamacado ka dhiga oo Hargeysa yimi

Hargeysa(Aftahannews):- Aqoonyahanno Ajaanib Caddaan ah oo Jaamacado Yurub ah ka dhiga Luuqadda Afka Soomaaliga iyo weliba Taariikhda iyo Suugaanta Soomaalida oo ay Barteen, ayaa dhawaan booqasho ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kuwaasoo ka sheekeeyey sidii ay ku barteen, xilligii ay barteen iyo heerka ay wakhtigan ka gaadheen ku hadalka iyo ku gudbinta Cilmiga ee Afka Soomaaliga.

Aqoonyahanno Afka Soomaaliga Jaamacado ka dhiga oo Hargeysa yimi
Aqoonyahanno Afka Soomaaliga Jaamacado ka dhiga oo Hargeysa yimi

Professor Goirgio Banti (Jaamacadda Oriental University ee Naples-Italy), Dr. Martin Orwin (Bare sare oo ka tirsan Jaamacadda SOAS ee London) iyo Dr. Morgan Nilson (bare ka tirsan Jaamacadda Goteborg University ee Sweden), oo saddexdooduba Af Soomaaliga bartay, isla markaana dhiga. Waxaa Hargeysa kula kulmay oo Waraysi la yeeshay Weriye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare).

Haddaba, Waraysigaas lala yeeshay saddexdan Nin ee Luuqadda Soomaaliga bartay oo Maqal iyo Muuqaal ah, waxaad kaga bogan kartaan oo aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Sonmaliland.